Hargeysa(ANN) Maxamed Cali Caamir (M aadhiin Tayuub), ayaa saaka Munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu qabtay Hotelka Crown ee Magaalda Hargeysa kaga dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Hargeysa. Munaaasibadaa

 

oo ay ka qaybgaleen Gudoomiyaha Ururka NASIYE  Axmed , masuuliyiinta kale ee Ururkaa, Salaadiin iyo boqolaal taageerayaasha musharaxa ah oo ka kala yimi daafaha iyo badhtamaha magaalada Caasimada ee Hargeysa, Mahdi Cismaan Buuri oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay madashaa, ayaa sharaxaad ka bixiyay Maxamuud Cali Caaamir oo ah musharaxa  munaasibada loo qabtay, wuxuuna sheegay inay wada garanayaan musharaxa munaasibada loo qabtay oo uu yahay  nin kasoo jeeda qoys caan ah oo ay dadka Hargeysa oo dhami garanayaan, isagoo yidhi, “Nin aynu wada garanayno oo aan inaga khaldamayn hadaynu nahay bulshada Hargeysa,  ayaa maanta aynu munaasibadan u qabanay, Aabihii wuxuu ahaa Nin dadka u dhexeeya oo bulshadu u simantahay, waxa kuu cadaynaya dadka halkan isugu yimi, waxay ka yimaadeen qaybaha ay magaaladu ka koobantahay” ayuu yidhi Mahdi Csimaan Buuri.

Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Rashiid Jaamac Dheri oo sheegay in Musharaxa Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub), ay  garab taagan yihiin, isla markaana  uu ku qanacsanyahay inuu si dhibyar ugu soo baxayo doorashooyinka golayaasha deegaanka, wuxuuna ka sheekeeyay taariikhda musharaxa Aabihii oo ka mid ahaa Odayaashii caanka ahaa ee aasaasay magaalada Hargeysa. Sidaa awgeed loo baahanayay in la taageero oo la garab istaago.

Sidoo kale waxa munaasibadaa ka hadlay Xildhibaan C/qaadir Indha-indho oo sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin musharaxnimada Maadhiin Cali Tayuub, isagoo sheegay inuu kasoo jeedo qoys caan ka ah hargeysa, isla markaana ay isaga si gaara isu isu garanayaan oo Aabayaashood saaxiibo ahaayeen, isla markaana  marxuumkii dhalay ninkaa dhalinayarada ah ee musharaxa ah uu qof walba oo hargeysa ah abaal ku lahaa, taas oo ay dadku u wada ogyihiin. Sidaa darteed loo baahanyahay in la siiyo codka.

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiireey oo isaguna ka hadlay madasha, ayaa sheegay  inay salaadiinta iyo madaxdhaqameedka somaliland oo uu afkooda ku hadlayaa taageersanyihiin musharaxaa, wuxuuna xusay inay Ururka Nasiye oo ah Urur ay ka muuqdaan dhalinyaro aqoonayahano ah, ay soo sharaxeen dhalinyaro firfircoon, isagoo  ugu baaqay bulshada kasoo qaybgashay munaasibada ee madasha fadhiday iyo inta dhegeysnay, ama daawanay  inay codkooda siiyaan musharaxaa oo aanay kala hadhin taageerada ay la garab istaageen ee ay maanta ku muujiyeen muinaasibadaa oo .
Musharaxa Golaha Deegaanka  uga sharaxan ururka Nasiye Maxamuud Cali Caamir (Maadhiin Tayuub), ayaa lagu soo dhoweeyay madasha, wuxuuna qudbad kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay inuu u sharaxanyahay  Bulshada Hargeysa  oo aanu u sharaxnayn xaafad iyo cid gaara toona, isla markaana doonayo inuu soo celiyo karaamadii iyo sharaftii magaalada caasimada Hargeysa, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Anigu waxaan u sharaxanahay bulshada caasimada hargeysa, maaha inaan cid gaara u sharaxnahay, waad aragtaan golayaashii deegaanka inaynu ku khasaaray, waxaad aragtaan qashinka buuxiyay magaalada iyo sida dhulkii danta guud loo cunay, waxan doonayaa inaan arrimahaa wax ka qabano, anagoo ka duulayna barnaamijka Ururka Nasiye oo aanu magaalada karaamadeedii soo celino, waxaan doonayaa inaan wadooyinka iyo garoomada caruurta  iyo istaamada Basaska wax ka qabano oo aanu u samayno tagaasi calaaamad leh. Sidaa awgeed ay codkooda siiyaan”
Maxamed Cali Caamir Maadhiin, waxa uu sheegay inay dadku u baahanyihiin cid wax u qabata, balse uma baahna cid boobta dadka masaakiinta ah.

Gudoomiyaha Ururka Nasiye Axmed Maxamed  oo gebagebadii munaasibadaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay ururada kale kaga duwanyihiin shuruudo adag oo ay ku xidheen musharaxiinta u tartamaya golayaasha deegaanka ee ururkooda, isagoo sheegay inay taa uga jeedaan in la helo tiro yar oo tayo leh, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxaanu  shuruudo adag ku xidhnay musharaxiinta golayaasha deegaanka, sababtoo ah waxaanu doonaynaa dad tiro yar oo tayo leh, waanuna  ka duwannahay ururada kale . sidaa awgeed waxaan idinka codsanayaa inaad codkiina siisaan musharaxaa aad wada garanaysaan oo Bulshada Hargeysa u sharaxn” ayuu yidhi. Gudoomiyaha Nasiye

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *