Hargeysa(ANN)Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa la filyaa inay cayimaan maalinta doorashada Somaliland ee golayaasha deegaanka iyo tartanka Ururada iyo axsaabta, taas oo ay ku tartamayaan sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray iyo Lix Urur siyaasadeed oo kasoo baxay 15 Urur oo dhowaan ay

kala reebeen gudida loo xil saaray ee diiwaangelinta  Ururada iyo axsaabta qaranka.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay gudida doorashooyinka Qaranka oo sheegaya mudada ay u asteeyeen qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanka dalka iyo tartanka axsaabta iyo ururada, balse warar hordhac ah oo shebekada wararka ee Araweelonews heshay, ayaa sheegaya inay gudida doorashooyinka qaranku maalinta beri ee 16 May 2012, ku dhawaaqayaan maalinta ay u asteeyeen inay dalka ka dhacaan doorashooyinka golayaasha deegaanka oo si weyn loo sugayo.
Waxayna tibaaxaha wararkaa la xidhiidha ee hordhaca ahi sheegayaan inay suurta gal tahay inay mudeeyaan doorashooyinka dabayaaqada Octobar ee sanadkan oo ay dhawr bilood inaga xigaan, balse warar kale ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in loo asteeyo doorashooyinka bisha September ee Sandakan 2012.
Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa dhowaan sheegay inay samaynayaan maalin tijaabo ah oo lagu eegayo qaabka ugu fudud ee lagu samayn karo doorashooyinka golayaasha deegaanka, taas oo lagaga go’aan qaadanayo natiijada kasoo baxda maalintaa tijaabada ah. sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaa ka dhawaajisay  maalmihii lasoo dhaafay inay diyaarisay wixii dhinaceeda ku xidhnaa ee dhaqaalihii laga sugayay ee doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa mudo dheer la sugayay, iyadoo ay golayaasha deegaanku muda dhaafeen markii loo kordhiyay dhawr jeer, isla markaana doorashooyinka golyaasha deegaanka ayaa nqonaya kuwo tartankooda ay isku waajahayaan marka laga yimaado xubnaha golayaasha deegaanka u tartamaya inay ku tartamaan sadexdii xisbi ee hore u jiray iyo lix Urur siyaasadeed oo cusub, iyadoo la doonayo inay kasoo baxaan sadex xisbi qaran.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *