Hargeysa(ANN)Rabshad gacan ka hadal ah oo saaka ka dhacday xerada Ciidanka ee Birjeex oo ku taala Koonfur bari magaalada Hargeysa, ayaa sababtay khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawac ah. kadib markii ay koox dablay ahi soo weerareen cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo

 

halkaa la geeyay.
Xukuumadda Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay arrintaa, iyadoo ay ka hadleen wasiiro ka tirsan xukuumada iyo Maayarka Caasimadu. Wasiir Dawlaha Arrimaha Amniga Qaranka oo isagu saaka barqadii la hadlay saxaafada, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay dhacdadaa oo sababtay in xabsiga la dhigo sufufiyiin goobta tegey.
Hase yeeshee Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay inay ku dhinteen falkaa Sadex askari oo ka tirsan ciidanka qaranka iyo afar qof oo rayid ah, kuwaas oo sida uu sheegay ku geeriyooday ka dib markii dablay hubaysan oo shacab ah oo dhul boob ahi ay weerar ku qaadeen saaka subaxnimaddii hore xeradda ee madaafiicda goobta oo u dhow warshaddii kabista ee magaaladda Hargeysa.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku dhaawacmeen dad tiro badan oo shacab ah oo ay qaarkood ku dhacday rasaas heehaabysay, waxaana cisbitaalka guud ee Hargeysa la geeyay illaa 4 qof oo dhaawac ah. Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa cambaareeyay falkan oo uu ku tilmaamay mid fool xun.

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa dhacay runtii shil fool xun oo nasiib darro ah, oo lama filaan ah,waxaanu ka dhacay xeradda madaafiicda goobta la yidhaahdo ayuu xagga dooxa ka xigaa warshadii kabka. Goobtaasi waxa xili waabarigii ah ku soo waabariistay dad shicib ah oo hubaysan. Dabadeedna waxay soo weerareen ciidankii milatariga ahaa meesha joogay,”
WasiirkaGaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, isagoo sharaxaya arrintaa iyo   khasaarihii iska hor imaadkaawuxuu yidhi,  “Dagaal baa meesha ka dhacay nasiib darro ah, dhammaan dadkii halkaasi ku geeriyooday waan tacsi ayaan eheladoodii u dirayaa waa kugu dhimay oo kaa dhimay waa umaddii walaalaha ahayd, waa ummaddii soo wada halgantay ee masiirka wadaagtay.”
“Intaan imika hubo waxa dhintay sadex askari oo milatari ah,”ayuu yidhi Cadami oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da,waxaanu sheegay inay dadka shicibka ah ee hubaysani ay soo weerareen ciidanka qaranka. Laakiin uu ka xun yahay in dad shicib ah ay waxyeelo ka soo gaadho rasaastii la is weydaarsanayay. Cadami waxa uu tilmaamay in xeradaasi tahay waligeedna ahayd xero ciidan, isla markaana aanay ahayn meel dad shicib ahi sheegan karaan.
Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, oo isaguna ka  hadlay shir jaraa’id oo ay ku weheliyeen Taliyaasha ciidanka Qaranka iyo Booliska, isla markaana uu garab fadhiyo Wasiirka gaashaandhiga, ayaa saxaafada tusay hub ay sheegeen in laga soo qabtay kooxda. Duurwuxu isagoo   arrintaa ka hadlaya   sheegay inay qabqabteen 28 ka mid ah dadkii dagaalamayey ee rayidka ahaa oo 9 ka mid ahi dhaawac yihiin, isagoo yidhi,  “Dad Badan-baa la qabqabtay oo 28 ayaa la qabtay dadkii dagaalamayey ah oo 9 dhaawac yihiin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa la hayaa hub, waxayna siteen dhammaan hubka bani-aadam qaadi karo wixii aan gaadhi saarnayn ayay wateen, kamay fikirin ciidamada qaranka ee halkaasi degganaa, kuwo meelaha kala deggan iyo culayska dawladnimadu leedahay oo caadifad-baa abaabushay”

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil shaqale ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo oo lama filaan ah in Ciidankii qaranka ay xeradooda oo Hargeysa ah kusoo weeraraan dadkii ay cadawga ka ilaalinayeen.
Maarayrka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa isaguna ka hadlay rabshadaa, wuxuuna xaqiijiyay inay dhinteen sadex askari iyo afar rayid ahi, isla markaana wuxuu falkaa ku eedeeyay dad uu ku sifeeyay dhul hubaysan.
sidoo kale Maayarka Hargeysa waxa uu intaasi ku daray in ay falkan u hayaan 12 qof oo uu ku eedeeyay inay ku lug lahayeen rabshadahaa. Laakiin warar kale ayaa sheegaya in tirada dadka loo qabtay falkaa ay gaadhayaan ku dhowaad labaataneeyo qof, isla markaana uu khasaaraha soo gaadhay dad shacab ah oo goobta ka ag dhowaa intaa ka baddan yahay.
Dhinaca kale waxay ciidamada Booliska oo qayb ka ahaa hawlaglkaa ka qabteen halkaa dhawr ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta oo goobta tegey, balse way sii daayeen markii danbe marka laga reebo Tafaftirihii Wargeysa Yool ee kasoo baxa Hargeysa Maxamed Cabdi Curad oo ay Ciidanku garaaceen. Kadibna u taxaabeen Saldhiga dhexe. Taliyaha Saldhiga ayaa diiday inay booqdaan koox suxufiyiin ah oo doonayay inay ogaadaan sida wax loo yeelay Suxufigaa oo markii ay ciidanku qabteen ku guda jiray gudashada waajibkiisa shaqo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *