waxaan idin xasuusinaynaa in qiimayntii hore ee aanu samayney aanu ku weyney hal urur oo ahaa
BADBAADO halkiisiina uu soo galay xisbiga dalsan oo aan qiimaynta noogu jirin bal maantan nala eega
hadaba akhristoow anagoo mid mid u kala qaadayna adna dhinacaaga nagala qiimee adigoo ka
eegayni xaga qabyaalada amaa caadifada xisbiga aad taageersan tahay:
maadaama sidaynu la wada socono dadkeena lagu saliday bahasha qabyaalada oo inta badan taageerada
lagu bixiyo qaab qabiil
A_ waxaan teerigaraynaynaa inaanu isku qabano xisbiyada ka soo jeeda beesha qudha
B_ waxaanu ku xejin doonaa sida xisbigu u kasbado shacweynaha kale ee ku dhaqan somaliland
C_ waxaanu isticmaalaynaa ereyada ka haboon qabiil la magcaabo sida BARRIGA BURCO .GALBEEDKA BURCO
GEBILEY etc
D_waxaanu isticmaalaynaa magaca URUR maadaama aanay weli kala hadhin oo XISBI loo gudbin
NB_waa qiimayn madax banaan oo shaqsiyeed mana aha wax saamayn ku yeelanaya himiladaada fog
cid walibana fekerkeeda iyo aragtideeda waa u madax banaan tahay
Waxaan ku bilaabaynaa
1-DALSAN IYO NASIYE
labad xisbi ee DALSAN iyo NASIYE waxaa ka sharaxan wasirkii hore ee arimaha gudaha ISMAACIIL YARE oo si weyn
looga yaqaano somalilaand iyo nin isagu ku cusub saaxada siyaasad labaduba waxay ka soo jeedaa deegaanka gebiley
sida muuqatana waxaad moodaa hadii aanay midoobin inay qaybsami doonto cududa ay ka sugayaan taageerayaashooda
maadaama ay ka soowada jeedaa hal meel runtiina ma muuqato taageero debedeeb oo ay heli karaan maadaama gobol
waliba la daalaa dhacayo xisbi ka soo jeeda ardaagiisa
weliba waxaa taas u sii dheer in xisbiga KULMIYE yahay mid ku sii sugayey garoonka ayna u sharax yihiin siyaasiyiin magac leh
oo reer gebiley ah hadal iyo gun waxaad moodaa in labadan xisbi inay isla degi doonaan:
2_WADANI iyo UMAD:
labadan xisbi waxay ka soo wada jeedaan GALBEEDKA BURCO waxaana kala hogaanimana laba siyaasi oo lagu tilmaami
karo RUUGCADAAYO hadaba markaanu u kuurgalay taageerada ay ka haystaan galeebka burco waxaad moodaa inuu
cadcad yahay ururka WADANI sidoo kalena uu haysto taageero badan xaga dadka kale
in kastooy jiro xan hoose oo didmo geliyey taageerayaashiisa xantaasoo ah in CIRRO gacan saar hoose
la leeyahay xukumada SIILAANYO taasoo dad badan oo taageerayaasha GALBEEDKA BURCO ahi ka biyo diidaan
jaanisna siin karta ururka UMADA oo la moodo maalmahan inuu danbe inuu ku qaaday dawlada jirta dagaal siyaasadeed
oo uu ku kasban karo taageero ah si katooy ahaato saadaashaydu waxay horaysiinaysaa ururka WADANI inuu noqon
doono xisbi qaran in kastoo laysku barbar jiro oo maalmo yar wax isbedeli karaan :
3_URURKA RAYS :
waa urur ka soo jeeda BARRIGA BURCO runtii wuxuu haystaa ururkani jaanis weyn maadaama aanay jirin
urur kale oo beeshaas u sharaxan waxaa hogaaminaya nin aan aad loga aqoon saaxada siyaasada laakiin dawlada
somaliland ka soo qabtay xilal badan in badana ka soo ahaan jirey mansabka AGAASIME GUUD inta badana la soo
shaqayn jirey hay,adaha UN ka
hadaba waxaa jirta carqalad ka hor iman karta qaybina karta taageeradaa laaxdka leh iyo jaaniska uu dheeryahay
urur kale carqaladaas oo ah SIILNAANYO oo ah madaxweynaha maanta talada haya sida la wada og yahayna aan
isagu diyaar u ahayn inuu isasoo sharaxo sida ilo xogagaali sheegayaan ama uu isba cadeeyey oo doonaya inuu
kursiga fadhiisiyo saaxiibadiis hore ee kula jirey xisbiga kulmiye wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba
u fuuli doonaa siduu isaga reebi lahaa URURKA RAYS
khidadii ugu weyneydna siilaanyo wuxuu ciyaaray markuu dib u dhigay doorashadii musharaxa madaxweynenimada
isagoo ka baqay haduu sheego in madaxweynaha uu u sharaxan yahay nin ka soo jeeda meel kale inuu
waayi doono taageeradii BARIGA BUCO oo lagu xanto inta badan inay meel isu raacaan
laakiin waxay taladu gacanta ugu jirtaa taageerayaasha BARRIGA BURCO oo runtii intooda badani
markaad la sheekaysato aan ku qanacsanayn inay tobanka sano ee soo socda ka maqnaadaan saaxad siyaasda ee wadanka
jecela inay inay helaa xisbi ay ka duulaan si ay uga dhex muuqaadaan shaashada
geba gebadii ururkani wuxuu haystaa jaanis weyn oo uu kaga mid noqon karo sadexda xisbi saadaashaduna
waxay ku daraysaa inuu soo bixi doono
4- URURKA KULMIYE
waxaa hogaaminaya mujaahidka ahna Madaxweyna somaliland waana xisbul xaakimka hadaba KULMIYE
in kastuu ahaa xisbigii ku guulaystay talada wadanka hadana lama odhan karo wuxuu haystaa taageeradii
hore dad badan oo taageeri jireyna waxay hada kala raaceen ururada kale taageerada ugu weyna hada wuxuu
ka sugayaa laba meelood BARRIGA BURCO oo la odhan karo marnaba kama helaayo taageero u dhiganta tuu ka
heli jirey waayo inta badani waxay raaceen URURKA RAYS hadii ay BARRIGA BURCO dhankaas RAYS wada maraana
waxaan shaki ku jirin inuu saaxada ka baxaayo
waayo waqooyiga hargays iyo gebilay sidaan xaga sare ku soo xusnay taag kasta ha yeesheene waxaa soo taagan
laba urur DALSAN IYO NASIYE oo si weyn u dhantaali kara taageeradii weyneyd ee uu hore uga
bartay deegaabadaas iyadooy sidaa tahay KULMIYE waxuu haystaa awoodii dhaqaalaha dalka waxaana saadaalin
karnaa xalaal iyo xaaranba haysku daree inuu ka mid noqon karo sadexda xisbi ee soo baxaya marka loogu daro
xukuumada badhitaaraysa
5_ URURKA UCID
sidaad wada garanaysaan waxaa hogaaminaya siyaasiga weyn ee FAYSAN CALI WARAABE oo inbadana soo ahaa xisbi
mucaarada isagoo sanadkii tegey u qaybsamay laba garab oo la odhan karo miisaankii xisbiguna wuxuu raacay
siyaasiga cabdiraxmaan ciro oo hogaaminaya xisbiga WADANI markaanu dhinac walba ka eegnay uma muuqdo urur
u soo gudbi kara kama danbaysta
6_ URURKA XAQSOOR
waxaa hogaaminaya mujaahikii weynaa XASAN CIISE oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay raga bilaa godobta ka ah
soomaliland marna soo ahaa m_weyne ku xigeenka somaliland xisbigani waa xisbi runtii dadbadani u hayaan niyad iyo
xiise dheeraada waana xisbiga keliya ee soo dooray gudoomiye ku xigeen ka soo jeeda sool in kastoo aan in adan qalinka dul dhignay
kuna war wareegnay hadana sida hada wax u socdaan saadaashadu waxay sheegaysaa in ururkan XASOOR iska nasan doono
7_URURKA UDUB
ururkani wuxuu ahaa ururkii lagaga adkaaday doorashadii hore taageerayaashiisii ugu awooda badnaa ee uu ku
tiirsanaana dhamaan waxay u qaybsameen ururada kale waxa keliya ee la odhan karo taageeruu ka heli karaa waa
REER SAAXIL waa hadii jamaal cali xuseen loo daayo musharaxnimada taasooy tahay hadana ma
muuqato jaanis maanta u saamixi kara inuu ka mid noqdo sadexda xisbi qaran
guntii iyo gunaanadkii waxaan soo reebnay sadexdan xisbi
KULMIYE
WADANI
RAYS
NB_waa qiimayn madax banaan oo shaqsiyeed mana aha wax saamayn ku yeelanaya himiladaada fog
cid walibana fekerkeeda iyo aragtideeda waa u madax banaan tahay
MIDKA KHAYRKU KU JIRO ILAAH HAYNOO DOORO
HANAD YARE
baxsane1111@hotmail.com