Hargeysa (ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhexe ka sii deysay Mulaxamiistaha wayn ee Jiim Sheikh Muumin oo ka mid ah Laxamiistayaasha Soomaaliyeed kuwa ugu caansan. Kadib markii uu xabsiga dhexe ee hargeysa ku jiray mudo shan sanadood ah, isagoo ku xukunnaa xukun
dil ah.Balse sida ay sheegayaan warar la xidhiidha siidayntiisa ayaa ka danbaysay dedaal ay qaybo baddan oo bulshada Somaliland oo Abwaano iyo dad kale isgu jiraa ugu ololaynayeen in xabsiga laga sioi daayo, isla markaana heshiis laga gaadho dilka loo haystay ee xukunmiisu ku dhacay.
Jiim waxa uu maanta gaadhay magaalada Muqdisho, markii xabsiga laga sii daayay, halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo ay qaar ka mid ah bahda fanaaniita Soomaaliyeed iyo dadweyne fara baddan soo dhoweyn balaadhan u sameeyeen. Jiim waxa uu sheegay inuu Caafimaadkiisa wanaagsan yahay, isla markaana uu ku faraxsanyahay inuu xurayadiisa dib u helo, waxaana uu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay in laga sii daayo xabsiga Magaalada Hargaysa oo uu mudo shan sanaood ah ku xidhnaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com