London (ANN)Urur Siyaasadeedka Rays oo ka mid ah Ururada ugu cad-cad ee doonaya inay u tartamaaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen Doorashada golayaasha Deegaanka, ayaa Xafiis ka furtay xarunta Caasimada Britain ee London. Xaflad si weyn loo
soo maamuulay oo lagu qabtay Bariga magaalada London taariikhdu marka aya ahayd 31.03.2012, oo ujeedadeedu ahayd furitaanka Xafiiskaa, waxay taageerayaasha Rays kusoo bandhigeen Dhoolatus weyn oo ay ku muujinayeen sida ay ugu leeyihiin awood iyo taageerayaal London, isla markaana kusoo bandhigaan inaanay dalka gudihiisa keliya ku lahayn taageerayaal iyo cududu balaadhanm basle ay dalka debediisana ku leeyihiin taageerayaal xooggan Urur Siyaasadeedka Rays.
Xafladaa wax kasoo qeyb galay dad aad u tiro badan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee Jaaliyaddaha Somaliland sida Dumarka, Dhalinyaradda, waayeelka degan wadanka UK iyo marti sharaf kale oo badan.
Xidhiidhinayaha Munaasibadaa Axmed Yusuf Cabdi, ayaa soo dhaweyta iyo furitaanka xaflada ka dib wax Aaayaddo Quraanka Kariimka ah ka khiriyay Sheekh Cabdi Axmed Kuutiye. Iyadoo markaa kadibna Micrifoonka ama codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Aqoonyahan Ibraahim Maxamed Cali oo ka waramay taariikhda ururka sidii loo asaasay iyo ujeedooyinkiisa uu u tagan yahay ururka RAYS. Wuxuuna ka waramay inay muhiimada iyo himilada ururkani mid u taagan Aqoonyahanaddam Dhalinyarada iyo Shaqaallaha Somaliland.
Aqoonyahan Ibraahim wuxuu madasha ka xaqiijiyay inay urur kale oo imika tartanka ku jira ay doonayaan inay kusoo bireen ururka Rays oo ay horena ugu soo bireen laba urur.
.
Sidoo kale waxa iyaguna madasha ka hadlay Odayaal kala duwan oo ku dhiirigeliyay in ururkan Rays la taageroo oo lala shaqeeyo maadaama u yahay urur u taagan Aqoonyahanadda, Mustaqbalka Dhalinyaradda ee soo socda oo wadanku u baahan yahay, isla markaana ay haboontahayna in laga gudbo nimaadmka imika jira ee ku salysaan Odayashaa iyo nidaamka reeraha ah
Wax isna halkaas hadal kooban ka soo jeediiyay gudoomiyaha cusub ee la doortay Axmed Maxamed Cali Salaan oo ka waramay u joodooyinkaa iyo himilada ururkan Rays, ugana baaqay dhalinyaradda UK ee reer Somaliland inay ururkaa Rays la shaqeeyaan oo loo bahan yahay in aqoonta iyo waayo aragnimada ay dalka UK iyo dalalka kaleba ka qaateen ay wadankoodii ugu faaiideeyaan.
Weedhaha laga jeediyay madashaa munaasibada furitaanka xafiiska Rays ee Uk, waxa kadib waxa madasha lagaga dhawaaqay gudida UK ee loo doortay inay hogaamiyaan xafiiska Rays ee London. Wax kale oo halkaa laga sheegay in ururka Rays xaafiisyo sidan oo kale ah ka furan doona wadamada kale ee Yurub dhawaan, sidoo kalena Xaafiisyo kale laga furi doonno magaalooyinka kale ee UK.
Magacyada Gudida Rays ee United KingDom ee lagu doortay madasha.
1. Gudoomiyee Ururka: Axmed Maxamed CaliSalaan
2. Gudoomiyee Ku Xigeen: Yasin Cabdi Kabatoole
3. Xoghaye: Axmed Cawil Ismaaciil
4. Khasnaji: Fadumo Muse Xasan
5. Xubin: Cabdikarim Cabdi Digale
Alla mahad Leh.
Mustafe Omar Yare.
Fuaad101@hotmail.co.uk