Hargeysa(ANN) Urur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa cayimay xiliiga ay qabanayaan shirweynohooda. Kadib markii ay dhamaatay maalmihii lasoo dhaafay wejigii labaad ee shuruudaha Kunka qof ee lagu qiimaynayay qiyaasta Ili –qabatyda, taas oo lagaga doonayay urur walba inuu tiro Kun Qof oo
taageerayaal ah lixda Magaalo-madax ee dalka ku yeesho .
Qoraal kasoo baxay xafiiska UDHIS ee Magaalada Hargeysa caawa oo ku Taariikhaysan April 1 2012, ayaa lagu cayimay mudada shirweynaha oo ka dhacaya Caasimada Hargeysa 10- 12 April 2012, balse qoraalka laguma sheegin goobta lagu qabanayo shirweynaha Ururka.
Qoraalkaa oo uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Ku- meelgaadha ah ee Ururka UDHIS Ibaraahin Xuseen C/llaahi, (Dhega weyne), isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay shebekada Araweelonews , ayaa u qornaa sidan:-
“Ururka UDHIS oo maanta shirk u yeeshay xaruntiisa Hargeysa, wuxuu soo saaray Go’aamadan:-
1- wuxuu magcaabay gudi qaban-qaabo shirweynihii Ururka, kuwaas oo ka koban 17 Xubnood,
2- wuxuu cayimay mudada uu qabsoomi-doono shirweynuhu oo noqonaysa bilawga , April 10- 12, ee maalamaha Salaasada iyo Arbacada, isagoo shirweynuhu soconaya labadaa maalmood.
3- Madasha shirweynhu waxay noqon doontaa Caasimada jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
4- sidaa awgeed waxay gudida hagida Ururku oggaysiinaysaa Ergooyinka, Marti-sharafeedka , gudida diiwaangelinta Ururada iyo dhamaanba Hay’addaha ay khusayso inay ku talagalaan kuna soo diyaargaroobaan mudadaa la xusay ee shirweynaha Ururka.”
Ayaa lagu yidhi Qoraalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com