Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  oo maanta ka dhoofay dalka  ayaa waxba kama jiraan ka dhigay eedo musuq-maasuq oo gudoomiye xigeenka Xisbul Xaakimka ee KULMIYE, C/raxmaan Cabdulqaadir u jeediyay xukuumadda.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka dhoofay madaarka Magaalada Hargeysa, isagoo usii jeeda dalka Britain si uu uga qaybgalo shirka arrimaha Somalia ee todobaadkan ka dhacaya London, kaas oo si gaar ah  loogu casuumay Somaliland, basle Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdiga uu hogaaminayaa waxay kusii hakanayaan xarunta dalka Kenya ee Nairobi . 
Hase yeeshee Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin warbaahinta ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, wuxuu isagoo ka hadlaya socdaalkiisa  yidhi , “Waxaan u ambo-baxayaa dalka Ingiriiska haddii ALLE idmo halkaasi oo uu 23-ka Feberwari ka dhici doono shir ay dunidu iskugu imanayso oo illaa 45 dawladood iskugu imanayaan, shirkaasi oo lagaga hadli doono arrimo badan oo mandaqada saameeya haddii aynu nahay Somaliland waa la inagu marti-qaaday shirkaasi, waxaanu fursad u helaynaa inaanu ka dhiibano ra’yigayaga oo aanu haddii ALLE idmo geyno qadiyadda Somaliand oo nalaga dhagaysto oo aanu la hadalo dawladaha iyo ummaddaha halkaasi iskugu imanaya. Waxaan doonaynaa inaan dawladaha ka soo qeyb galaya qadiyadeena ka dhaadhicino oo hoggo tusaalayno.”
“Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu shirkaasi inagu guuleeyo, ummaddu shirkaasi tagistiisa dood badan baa ka dhacday waa lagala tashaday Ha’yadihiisa kala duwan, shirkaasi waa la isku raacay ummadda reer Somaliland inyar mooyaane’e inteedii badnayd, Goleyaal, Asxaab iyo ururada cusub ee siyaasada ee la sameeyayba. Waxa la isku raacay in dan iyo maslaxadi ugu jirto dawladda iyo ummadda reer Somaliland oo shirkaasi ay ka qeyb galaan, si ay qadiyadooda meel kasta gaadhaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
wuxuuna isagoo ka hadlaya rajada shirkaana  yidhi,  “Sidaasi darteed waxaanu shirkan kaga qeyb galaynaa anagoo wefti balaadhan ah oo xukuumadda, Goleyaasha iyo asxaabtaba ka kooban, waxaanan ka rajaynaynaa in ILAAHAY nagu guuleeyo shirkaasi.”


Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eedo musuqmaasuq oo uu xukuumaddiisa u jeediyay Guddoomiye Ku xigeenka KULMIYE, C/raxmaan C/qaadir, iyo agaasimhii arrimaha debeda ee is casilay todobaadkii hore,  isagoo  Madaxweynuhu arrintaa ka jawaabayana wuxuu yidhi, “Dawladayda musuqmaasuq kama jiro ayaan leeyahay oo waxaan ogahay kama jiro, Musuqmaasuqu waa mid aanu la dagaalamayno Ha’yado badan ayaanu u samaynay Musuqmaasuqa la dagaalankiisa oo ay ka mid tahay Ha’yada maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Hanti dhawrkii ayaa jira, had iyo goor qaran walba wuu ka soo baxaa dad ama askhaas markii wixii ay doonayeen iyo danahoodii ay waayeen ku aflagaadooda qaranka iyo masuuliyiinta qaranka ayaa iska jira. Waxaasna samir, adkaysi iyo dulqaad aanu ku qaadno waanu leenahay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.


Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa maanta ku weheliyay, Marwadiisa iyo Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo qudha, balse  qaybihii kale ee wefdiga raacayay oo iyagu hore usii joogay  magaaladda Addis ababa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsadde oo ay weheliyeen Hoggaanka xisbiyada qaranka iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo ay isugu tegeyaan Nairobi, halkaas oo ay wefdiga Madaxweynaha Somaliland usii dhaafi doonaan London. Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda, Xildhibaano,saraakiil ka tirsan xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *