Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee cadaaladda Somaliland adan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa maanta Huteelka Shiraaqle ee Bariga magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed la magac baxay Wada jir. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka ururkaa  waxa ka soo qeyb galay

Salaadiin, Boqoro, Siyaasiyiin, Aqoon yahano iyo dadweyne kale  oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur siyaasadeedka Wadajir  .Aadan Axmed Cilmi (Dhoola yare), oo ka hadlay xafladii wanqasha ururkaa  ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedada loo aasaasay,   isagoo yidhi,  “ Maanta waxaynu iskugu nimid Munaasibadan daah-furka ururka WADAJIR oo aan ILAAHAY idinkii rajaynayo inuu u gudbi doono xisbi anagoo haysana taageeradiina. Waa bilowgii ururada siyaasada Barnaamijka ururka wax badan ka odhan maayo oo waanu soo diyaarin doonaa inshaalaah waxyaabaha ugu horeeya ee aanu doonayno haddii Ilaahay idmo inaanu wax ka qabano waxa ka mid ah baahi faro badan oo dalka taalla, qaranimada dalka oo la ilaaliyo, adkaynta nabadgelyada dalka iyo shaqo abuur dhalinyarada loo sameeyo waxaan leeyahay dhalinyarooy in badan baa la idiin balan qaaday ee waanu dhabayn doonaa Inshaalaah.”
“Waxa kale oo aanu balan qaadaynaa nolashu waa biyaha waxaan ku dedaalaynaa in dalka loo helo oo biyaheena qul qulaya oo roob inagu filan waynu helaaye’e qaar la cabo iyo qaar wax lagu beertaba aynu helno,”ayuu yidhi Md. Aadan Dhoolayare.
Guddoomiyaha Ururka Wadajir waxa uu sheegay inay Somaliland waayo arag ku noqotay tobankii sanadood ee la soo dhaafay miidaanka siyaasada iyo dimuqraadiyadaba waxaanu yidhi “Wakhtigii Ururada siyaasada iyo xisbiyadu inoo bilaabmeen toban sanadood ka hor waayo arag maynaan ahayn, laakiin waxaan filayaa inaynu maanta ka soo qalin jabinay jaamacada ururada iyo xisbiyada. Dad badan baa saaxada siyaasada ku soo biiray oo lagu bartay ururkana waxaan rajaynayaa inuu noqdo kii dhalinyarada mustaqbalku ay ku soo baxaan. Waxa muhiim ah inay ka faa’iidaysano waxyaabihii aynu kala kulanay xisbiyadii hore UDUB, KULMIYE iyo UCUD khasaare iyo faa’iidaba. Kumaynaan khasaarin ee waynu ka faa’iidaysanay haddii ay wax khaldeena waa cibro si aynu u hagaajino kuwa kale.”
Aadan Dhoolayare waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato wax uu ugu yeedhay ururada siyaasadeed ee aan wali la diiwaan gelin hase yeeshee olale siyaasadeed ka bilaabay gobolada dalka waxaanu yidhi “Waxa jira ururo siyaasadeed oo lagu dhawaaqay laakiin aan la diiwaan gelin oo Gobolada socda oo olale ka bilaabay, xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa inay nidaamkana ilaaliyaan oo iyadoo aanay Guddidii diiwaan gelintu wali fadhiisan oo aan xafiisyo helin oo aan wakhti cayimin in Guddidii Komishanka doorashooyinka oo aad iyo aad u mahadsan ay ka qaataan waayo aragnimo.”
“Waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa markay ururadda siyaasaddu isku soo dhammaadaan olalaha iyo xafiis furistu ay mar wada bilaabmaan si aanay nabadgelyadeena iyo nidaamkaba aynu u ilaalino waa in xukuumaddu go’aan ka soo saartaa arrintaasi,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ahi.
Aadan Dhoolayare waxa uu sheegay in ururkani uu ka dhashay codsi badan oo muddooyinkii u dambeeyayba uga imanayay dhalinyarada.
“Inaan ururkan aanu furno ma aha wax aniga iga yimid laakiin Muddo sadex sanadood ah iyo muddooyinkan dambeba waxa codsi badani iiga yimaadeen dhalinyarada reer Hargeysi ha u badnaatee oo dadweynaha gobolada kale ka yimid codsiyadaasi oo ahaa waxaanu kugu taageeraynaa inaad noqoto murashax Madaxweyne markii ururada la furayna waxa aad la iiga soo codsaday inaan urur siyaasadeed furo. Haddana dhiirigelin aan ka helay shacbiga ayaa nagu dhiirigeliyay ururkan. Been ma aha ee mobile-kaygaas illaa Boqol farriimood way ku jirtaa oo sadex sanadood ayaan kaydinayay intii ii soo dirtay iyo intiina kaleba waad mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
.
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo ururka Wadajir waxase uu ku baaqay in ururada siyaasada loo baahan yahay inay ururadu siday isku afkaar ahiba midoobaan.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi xafladaasi wuxuu yidhi “Markii laga doodayay ururada ma la furaa waxaan ka mid ahaa dadkii lahaa yaan la furin ee sadexda xisbi ee jiray uun ha la iska doorto inkasta oo madax adayg laga dareemay. Markii nalaga batay ee la yidhi dadkii waxay doonayaan in la furo ururada siyasaada,anaguna odayaashii bulshada ayaanu nahay oo waanu ku khasban nahay inaanu raacno waxay doonayaan. Markaa waanu soo dhawaynaynaa ururkii la furaba si dhalinyaradan iyo dadkii cidhiidhiga tirsanayay ay fursad u helaan.”
“Aadan Dhoolayare muddo badan ayuu ku taamayay bahasha inuu meel uun kaga soo boodo soo dhawoow ayaanu ku leenahay adiga iyo inta kula fikirka ah waxaanu idin leenahay sidii kuwii hore uun ha yeelinee dhego nuglaada,”ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *