Hargeysa(ANN)Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa  sharaxaad ka bixiyay miisaaniyad sanadeedka 2012, ee aan weli loo gudbin golaha wakiilada ayaa  sheegay in dakhliga miisaaniyadu uu kordhi doono sanadka soo socda, wuxuuna xusay inay mushaharka shaqaalaha oo

 

ay 75% ay sanadkan ka dhigi doonaan kordhinta 100%, isagoo sheegay in  dhamaanba meheradaha ganacsiga ee ku yaala caasimada dalka la wado diiwaan gelintooda. Kadibna   loona samayn doono liisamo.
Eng. Maxamed Xaashi  waxa uu sidaa ku sheegay  warbixin uu maanta ka jeediyay golaha Guurtida Somaliland oo la xidhiidha Miisaaniyadda sanadkan 2012, taas  oo ayaa maanta warbixin ku saabsan miisaaniyada qaranka ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2012-ka ka dhageystay wasiirka Wasaaradda Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Fadhigan golaha guurtida oo uu guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golahaa,  ahna ku simaha guddoomiyaha Siciid Jaamac Cilmi, waxa uu wasiirka Maaliyadu sharaxaad kaga bixiyay su’aalo la xidhiidha dakhliga  dalka, qaabka ay wasaarad ahaan u shaqeeyaan iyo arrimo la xidhiidha dhinaca cashuuraha.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in labadii miisaaniyadood ee hore golaha wakiilada loo horkeenay aanu goluhu ansixin, sababtuna ay ahayd iyada oo aanay ku jirin hantida dawlada iyo hantida maguurtada ah, waxaanu sheegay in ay wasaarad ahaan ku dadaalayaan in ay miisaaniyada sanadka 2012, ku dari doonaan hantida dawlada iyo hantida maguurtada ah.
Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu intaasi ku daray in mushaharka shaqaalaha dawlada ay markii hore kordhiyeen boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%), sanadka soo socdana uu kordhi doono boqolkiiba boqol (100%), warbixinta wasiirka  ka dib waxay Mudaneyaashu weydiiyeen wasiirka inuu sharaxaad ka bixiyo shaqaalaha wasaaraddaha oo uu qaarkood sheegay inay dhinac u baddan yihiin, sababta ganacsatada qaarkood ugu wareegeen Dekeda Djibouti iyo Boosaaso , halka ay ka dhaafaan ganacsatada uu sheego inay lacagtii cashuurta bixin waayeen iyo sababta uu kormeer ugu samayn waayay goobaha kastamada iyo dekedda ee dalka.
Wuxuuna isagoo arrimahaa ka jawaabaya yidhi,   “Arrinta dekadu nama hoostimaado ee Maareeye ayey leedahay oo isaga  ayaad  waydiin doontaan oo  ka jawaabi doona. Cashuurta kastanka lagu qaado tacrifadeeda waa la Baas gareeyey waanu dhiney anaga oo tix galinayna cashuurta intii la dhimaba in dadku uu si wanaagsan uu u bixinayo waxaa kale oo aan ogalaanay  meeshi dhibaato ay ka jirtana in aan saxno,  taasi waa tii cashuuraha. Kolkaa waxay noqotay ta laga qaadayey Bosaaso cashuur sidaasa lagama qaadayn meel iska foodo ah ayay iska ahayd Djibouti  waynu ka jabannahay  kolka raashinka laga reebo waayo raashinka cashuur kama qaado cashuurta aanu raashinka ka qaadnaana aad buu u yar yahay waxaa dhacda oo dhibaatada ugu wayni ka timi inamadii ku mamay arrimahan ayaa marka mid adag meel keentaba  awaxay  yidhaahdaan halkan waa yara qaaliye bal halkaas Djibouti inooga soo wareeji markaa dee Djibouti  kama soo cashuuraane waxay ku soo mariyaan taraasit oo inankan ay wax wada cunayaan ayay u daneenayaan taasi waa taa.
Arrinta  shaqaalaha ayaa ii hadhey oo shaqaale anigu aan gacantayda ku qoro ma jirto , bal cida la leeyahay shaqaale hebel ayaad qortey ii sheega, ta kale shaqaalaha waxaanu ku qaadana imtixaan , doraad, ayaa kuwii ugu horeeyey laga qaadeyey imtixaan anagu wixii imtixankaa ku baasa uun ayaanu qaadana waliba kawan danbe waanu naadinay  laba cisho ayay ahayd waxaan idhi wixii danbe waa inaanu ka yarayn ka ceerigaabo ka imanaya ka saylac ka imanaya inay ka soo gaadhi karaan oo muddo ay lahaadaan oo sinaani jirtaa markaana imtixaan laga qaadaa.”

Eng. Xaashi oo la weydiiyay inay goobaha dakhli ururinta ee wasaaraddu ka samaysay Caasimada ka samaysay gobolada dalka iyo 2% lacagtii la qaadi jiray waxa lagu qabto ee deegaanadii  lagu magcaabay ee Sanaag Bari, Buuhoodle iyo Sool wax loogu qaban waayay,   waxa uu yidhi,  horta gobolada waanigii  idin sheegay oo foomamka halkan aan ku samayno ayaan u dirnaa oo aan nidhi ku diiwaan geliya meheradaha oo sidii aan halkan u samaynay in goboladana ka hir galaan kolkaa ururintu maaha uun kuwan cusubna waa la gaadhsiinayaa,  taasi waa dhinaca dakhli ururinta waa laga qaadaa wali oo boqolkiiba laba ayaa la qaadaa oo lama goyn inta waqtiga la joojinayay oo waa arrin u baahan in lagu noqdo oo la xadido oo layidhaahdo  sida ay u socotaa ma tahay sida loogu tala galay markaa waa la qaadaa ayaan leeyahay oo boqolkiiba 2% ayaa la qaadaa waxaana filayaa inay  Sanaag Bari iyo Sool way wada leeyihiin. ”

wasiirku mar la weydiiyay sababta uu sixir bararka uga hadli waayay iyo gaadiidka yar yare e faraha baddan oo hafiyay dalka, waxa uu yidhi,  Anigu waxaan qoladayada Berbera  aan ku balamiyey in ascaarta waliba kuwa daruuriga ah halka ay ka imanayaan inay sixirkooda raadiyaan,  waxa la soo siistey nooligii aan ku darno cashuurtiina aan ku darno, si  dalka waxay ku yimaadeen la ogaado dabadeedna halkaas lagala socdo waxay dadka ka siinayeen kolkaa waxaa aan u baahan nahay in aan la kaashano wasaaradda ganacsiga,  waayo waxaa liisanada bixisa wasaaradda ganacsiga,  dad badani haday keenayaan daruurigana  halkaa  may gaadheen oo waatan aan damacsanahay dadka wax keenaya inay  bataan iyaguna ay ku eekaadaan dekada koley taa sixir bararka sidaas ayaan ka damacsanahay wasiirku marka uu xajka ka soo noqdana waxaan doonaynaa in aan ka shirno oo go’aan aan ka yeelano oo sixir bararka sidii loo xakamayn  lahaa.”
Waxa kaloo uu sheegay Eng. Xaashi in dolarku sababo sixir bararka, isagoo yidhi,  “Doolarka ayaa isna keena , ta gaadiidka waxaa weeye lambarka waa uu badan yahay dadka soo iibsanayaana way badan yihiin sixirka dalka laga siiyaana waliba waa ka qaalisan yahay ka dalka laga iibiyo cashuurta kicisteedu waa arrin ku xidhan dowlada lnaga waxa weeye maxay ina kalifaysaa in aan sameyno sidaa dadku waa u xor ayaynu nidhi in wixiisa keensan karo.  markaa maxay ina kalifi karaysaa in lays weydiiyo ayaa  imanaysa koleyba in laga fakiro wixii faakahaysiga ah,  imika shiidaalku maaha waa daruuriyadka ku jira oo xaabadii ayaa lagu keenaya oo caanihii ayaa lagu keenaya cuntadii ayaa lagu keenayaa,  macnii meel walba waa looga baahan yahay oo daruurigii ayuu ka mid noqdey kolkaa in gaadiidka la xadido oo waliba wakiiladiina iyo guurtidu go aan ka gaadho waan idinla qabaa.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *