Hargeysa (ANN) Maareeye ku-xigeen loo magcaabay dhowaan Madabacada Qaranka Jaamac Axmed Cabdiraxmaan ayaa maanta si rasmi ah xilka loogu wareejiyay, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magcaabay ee uu jagadaa baneeyay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), oo haatan ku nool
dalka ingiriiska gaar ahaan magaalada London
Munaasida xil wareejinta oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Madbacada Qaranka, waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada ciyaaraha, mareeyaha Madbacada Qaranka , Sallaadiin iyo marti-sharaf kale, waxaana xilka loo magacaabay masuulkan cusub ku wareejiyay maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal oo si ku meel gaadh ah u hayay.
Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweyanayo masuulkan cusub oo ka saacidi doono shaqada Madbacada, isla markaana uu rajaynayo in uu noqdo nin kasbada kalsoonida shaqaalaha ka hawlaga Madbacada.
Maareeye ku xigeenka cusub Jaamac Axmed Cabdiraxmaan oo isna ballan qaaday wado shaqayn wanaagsan oo dhexmarta isaga iyo maareeyaha Madbacada, oo uu sheegay inuu aqoon dheer u leeyahay oo aanay isku cusbayn.
dhinaca kale sarkaalka xilkaa loo magcaabay ayaa ah Nin dhalinyaro ah oo si firfircoon uga muuqan jiray abaabulada dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada ee kal hore, wuxuuna ka mid noqonayaa masuuliyiinta dhinaca dhalinyarada ee Madaxweyne siilaanyo ku daray xukuumaddiisa oo hada ka dhex muuqda Hay’addaha dawlada Somaliland, taas oo Madaxweyne hore ugu balanqaaday inuu dhalinyarada saami ka siin doono xukuumadda dhalinyarada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com