Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreeto madaxweyne oo uu kaga hadlay ilaalinta dhulka iyo guryaha   danta guud, kaas oo mamnuucaya in la iibsado, ama kiraysto guryahaa oo ah hanta qaran.  Sidaana waxa uu

madaxweynuhu ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, Markuu Arkay: Qodobka 12aad, Farqadiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.  Markuu Arkay: Qodobka 2aad, Farqadiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka, Magaalooyinka    Jamhuuriyada Somaliland Xeer No. 17/2001/
Markuu Ka war helay: In Guryihii Dawlada Boob lagu hayo oo dad kala iibsanayo qaarna ay isku dayeen in ay Mulkiyado u samaystaan Wuxuu soo saaray Go’aankan:-
Guryaha Dawladda, Dhulka Dawlada iyo dhulka danta guud waa hanti qaran, waxaana Awood sharci u leh iibintiisa, Bixintiisa, Kirayntiisa, dawladda dhexe. Waxaana reeban in cid gaar ah Mulkiyad iyo lahaansho gaar ah loogu sameeyo. Go’aankan waxa uu madaxweynuhu faray Hay’addaha ku shaqada leh inay waajibkooda ka gutaan meel  marintiisa.” Ayaa lagu yidhi digrteeda Madaxweynaha.
Digreetadan ayaa kusoo beegantay xili sanad iyo dhawr bilood ay xilka haysatay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale boob qaawan oo cadaan ah lagu qaaday dhulka danta guud oo ay si weyn ganacsatada waaweyni u boobtay. Kadib markii laga iibiyay dhul baddan oo danta guud iyo guryo ku yaalay magaalooyinka Caasimada Hargeysa, Burco iyo Berbera.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *