Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku dhaariyay todobada xubnood ee ay ka kooban yihiin gudida diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka oo dhowaan golaha wakiiladu ansixiyeen. Kadib
markii Madaxweynuhu magcaabay.
Dhaarta xubnahaa waxa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xigeenka C/raxmaan Seylici, waxaana Xubnaha gacanta loo saaray kitaabka quraanka kariimka ah, iyadoo lagu dhaariyay dhaarta uu jideeyay xeerarka iyo dastuurka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen erayadan “Waxa Igu walaahay ah oo igu bilaahi ah inaanaan ka mid ahayn kuna jirin urur iyo xisbi qaran kana mid noqonayn urur iyo xisbi kale inta aan xilka hayo uguna adeegayo bulshada Somaliland cadaalad, sinaan iyo daacadnimo.”
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhaarta xubnahaasi ka dib hadal dardaaran ah u jeediyay wuxuu yidhi, “ILAAHAY waxaan ka barayayaa inshaalaahu tacaalaa inaad hawshaas si xil kasnimo ah uga soo baxdaan oo ILAAHAY idiin fududeeyo hawsha.”
Qaar ka mid ah xubnaha Guddidaa oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay xilkooda u gudan doonaan si daacadnimo iyo wadaniyad leh oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Magacyada Guddida diiwaan gelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta qaranku waxay kala yihiin sidan:-
1 Cabdalle Ibraahim Maxamed
2. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3. Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4. Cumar Xasan Jaamac
5. Maxamed Cabdi Maalik
6. Aadan Geedi Qayadi
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com