Djibouti(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliiska dalka Djibouti Col, C/llaahi Cabdi Faarax ayaa lagu fuliyay dil. Kadib markii saaka mid ka mid ah Askartiisu ugu soo galay xafiiska, isla markaana tacshiirad rasaas ah ku furay. Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay dhacdadaa lama garanyo ujeedada
ka danbaysa. Laakiin sarkaalkaa ayaa dhaawac culusi soo gaadhay.
Dhaawaca Taliyaha Ciidanka Booliiska Djibouti oo sideed xabadood oo rasaas ahi ku dhaceen ayaa wararku sheegayaan in si Deg-deg ah loogu qaadayo caawa Dalka Faransiiska si loogu soo daweeyo. Waxaana gacanta lagu dhigay askarigii dilka geystay oo xabsiga loo taxaabay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com