Laascaanood(ANN) Munaasibada Deeq qalabka ciyaartoyda ah lagu gudoonsiiyay Ciyaartoyga gobolka Sool ayaa lagu qabtay Hoolka Jaamacada Nugaal University ee magaalada Laascaanood. Deeqdaa oo ahayd Kubado ayaa la soo gaadhsiiyay ciyaaryahanada gobolka Sool, waxaana soo
gaadhsiiyay deeqda oo ugu deeqay aqoonyahan ka mid ah qurba jooga Sool oo lagu magacaabo Dr Axmed Madar Cali, iyadoo uu gaadhsiiyay Gudoomiyaha jaamacada Nugaal Prof. Cabdirisaaq Lafoole.
Munaasibada lagu gudoonsiiyay Ciyaaryahanada deeqda kubadaha ah ayaa lagu qabtay hoolka jaamacada Nugaal University, waxaana munaasibadaa kasoo qayb galay Isuduwaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Gobolka Sool Jaamac Khaliif, maamulka jaamcada Nugaal, Ardayda midowga jaamacada Nugaal iyo marti sharaf kale oo badan
Isuduwaha dhalinyarada iyo Cayaraaha gobolka Sool Jaamac Khaliil ayaa uga mahadceliyay deeqdan qalabka sportiga , isagoo dhalinyarada u soo jeediyay inay wakhti siiyaan waxbarashada sida ay ciyaaraha wakhtiga u siiyaan, wuxuuna ku booriyay in ciyaaryahanadu noqdaan kuwo ka dhisan dhinaca aqoonta
Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University prof. Lafoole ayaa isna ka hadlay in deeqdan ee kubadaha uu u soo dhiibay Dr axmed madar cali oo ah muwaadin u dhahay gobolka sool isla markaana ka qayb qaata horumarka deegaanka wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarada ciyaartowda ah sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda
sidoo kalena waxaa madashaa ka hadlay marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay munaasibaa oo ay ka mid ahaayeen maamulaha Dugsiga sare ee Nugaal, Gudoomiyaha ururka Ardayda midowga jaamacadda Nugaal University oo dhamaantood ka hadlay faa’idada cayaaraha iyo jidh dhisku ay leeyihiin, isla markaana dhalinyaradaa ka codsayad in dhanka aqoontana lagu daro.
waxaana geba gebadii munaasibada lagu doonsiiyay kabtanada kooxaha kubada cagta ee magaalada Llaascaanood deeqdii kubadaha ahayd, iyadoo dhanka kalena kubado loogu tala galay Dugsiy ada sare ay u gudoomeen ururka Ardayda midowga jaamacada Nugaal University.
Deeqdaa ayaa noqonaysa mid ku dhiiri gelisa dhalinyarada gobolka Sool, gaar ahaan kuwa Laascaanood inay u jeestaan dhinaca ciyaaraha iyo sports-ka , isla markaana ay daneeyaan waxbarshada iyo inay ka qayb qaataan horumarka gobolka, maadaama ay dhalinyarada gobolka Sool halis ugu jireen inay siyaasadaha ragaadiyay horumarka bulshada gobolka eek u xeeran qayb ka noqdaan oo ay ka faa’idaystaan kooxo dani gaara lihi. Waxayna talaabada muwaadinkani noqonay qurba jooga Somaliland ee horumarka bulshadooda jecel ku dhiiri gelisa inay taageero dhinaca horumarka ah u fidiyaan dhalinayada gobolkaa iyo bulshada kaleba.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com