umada somaliland melkasta oo ay joogto, kuwaas waxtarna inoo leh ka hadalkoodu.
Ugu horayn waxan ka hadlayaa in badan waxaynu maqlaynay madaxwaynihiibaa meel hebla laga casuumay, madaxwaynihiibaa meel hebla shir loogu yeedhay, markasta oo madaxwaynaha dal kale looga yeedho waxan is idhahdaa tolow maanta waxa uu soo kordhiyay waa maxay? hadana markaa ayaa la waayaa wixii la filanayay madaxwaynuhu wuxu tegay dalal aad u badan sida, UK, Kuwait, koonfurta Sudan Ethiopia, hadana ugu danbayntii socdalkiisa waa kan kaga yimi dalka China. Inkasta oo u sheegay balanqaadyo culus hadana inbadan oo ka horeeyey oo balan qaadyo ah ayaa jiray sida balantii Kuwait iyo kuwo lamida intaa kadib horta waxan leeyahay madaxwayne dedaalkaagu wuu wanaagsan yahay halkaana ka sii wad, laakiinse shacbigu weli dhegtuu kuu taagayaa, waayo madaxwaynoow dalka oo dhan iyo dadka adaa masuuliyadiisu kusaarantahay saad horeba ugu qaadatay.
Madaxwayne shacabku waxay kuu doorteen is bedel dalka iyo dadka ah hadaba iyada oo aan degdeg jirin lana ogyahay inta ay dawlada cusubi jirtay dedaalka aad ku jirtidna la og yahay waxaanu kaa codsanaynaa waxa jira gobol aad ilawday ee Madaxwayne taa ma ogsoontahay,
Madaxwayne gobolada somaliland waa inay isku xidhnaadaan waxa jira gobol ga’doon ah oo aan laga war hayn lana ogyahay xaalkiisa waana gobolka Sanaag ee la soco
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wa barakaatu
Qalinkii C/raxmaan Axmed Maxamuud ilsar
kafeeye@hotmail.com
kafeeye2012@gmail.com