Madaxweyne kuxigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Guurtida, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid XILDHIBAAN CUMAR FAARAX BUDEEYE oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, kuna geeriyooday magaalada Hargeisa maanta.
MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa odayaashii sida weyn uga qayb qaatay nabadayntii iyo hub ka dhigistii Ciidamada JSL.
Madaxweyne kuxigeenku waxa uu MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Dhamaanna Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo Golaha Guurtida iyo guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland, in uu samir iyo iimaan ka siiyo MARXUUMKA.
IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN