qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Somaliland, balse ga gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan dilka loo geystay caawa gabadhaa oo dablay aan la aqoonsan tiradooda iyo kuwa ay yihiin tacshiirad rasaas ah la beegsadeen iyadoo maraysa suuqa magaalada Laascaanood.
Waxaana iyadoo dhaawac halis ah loola cararay cusbitaalka magaalada Burco , wararka qaar ayaa sheegaya in gabadhaa lala beegsaday tacshiirad rasaas ah oo qaarkeed madaxa kaga dhaceen. Ciidamada Booliska ayaa goor danbe tegey halkaa, mana jirto cid ilaa hada loo qabtay falkaa. Sida ay sheegayaan wararku aanu ka helay gobolka.
Falka Foosha xun ee tacshiirada lagula beegsaday Nadiifo oo ah dadka u dhaqdhaqaaqa nabada ayaa la rumaysan yahay inuu la xidhiidho baaqyada nabadeed eeay si cad uga hadlaysay mudooyinkii u danbeeyay fowdada iyo xasilooni darada ka jira halkaa, iyadoo ku baaqaysay in aanay dagaalka iyo qaska ka socda Laascaanood u dani ugu jirin bulshada gobolka. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la qaato nabad si horumar loo gaadho, waxaana halku dhegyadii ay kulamo uu gobolka ka sameeyay Wasiirka warfaafinta Xaabsade ka mid ahaa hadaladeedii “ Qurbajooga waxaan leeyahay Lacagta aad qoriga iyo rasaasta noo soo siinaysaan waxaad noogu bedeshaan Qalin iyo Buug caruurtayadu wax ha baratee.”
Gabadhaa ayaa hore kooxaha shirqoolada ka sameeya gobolka Sool u dileen Ninkeedii oo alla hawnaxariistee Marxuum Maxamed Xirsi (Asad),oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool ee Somaliland oo Goor caraways ah lagu dilay 7 March 2011 magaalada Laascaanood isaga iyo Taliye xigeenkii sirdooonka ee Sool Marxuum Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah.
Wixii kasoo kordha warka kala soco Araweelonews.
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1