Laascaanood (ANN)- Maayirkii Laascaanood ee la xidhay Mr. Axmed Aw Daahir Xasan oo markii uu muddo kooban xidhnaa toddobaadkii hore damaanad lagu sii daayey, ayaa markii u horraysay si rasmi ah Faahfaahin uga bixiyey qaabkii loo xidhay, waxyaabaha lagu eedeeyey, cidda xadhigiisa ka
dambaysa iyo waxyaabaha dhaliyey in markiiba xabsiga laga siidaayo.
Mr. Axmed Aw Daahir Xasan oo shalay Jamhuuriya waraysi khaas ah ku siiyey khadka telefoonka isaga oo jooga magaalada Laascaanood, waxa uu eedo kulul u jeediyey wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo uu sheegay inuu ka dambeeyey xadhigii lagula kacay iyo xilkii laga qaaday, isaga oo xusay inuu hadda isu haysto inuu yahay maayirka sharciga ah ee magaalada Laascaanood. Waxaannu waraysigiisa kaga hadlay qodobo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin tallaabooyinka u qorshaysan iyo waxa uu yeeli doono haddii sharciga iyo nidaamka dawladnimo lagu shaqayn waayo, ujeedada uu u tagay tuulo Laascaanood u dhaw iyo cidda ka warhaysay markii uu magaalada ka baxayey.
Waraysiga Mr. Axmed Aw Daahir Xasan oo faahfaahsana waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Marka u horraysa xadhiggaagii iyo waxa laguugu eedeeyey, faahfaahin naga sii?
Maayirkii Laascaanood: Maalinimadii Axaddii hore (toddobaadkii hore) ayaa casarkii aniga oo gurigayga jooga waxa ila soo hadlay Taliyaha Qaybta Booliska oo wuxuu igu yidhi Saldhiga Dhexe ayaa shir lagu leeyahay ee noo kaalay, markii aan u tegayna wuxuu la hadlay Badhasaabka oo wuxuu igu yidhi aan soo kaxeeyee i sii sug, dabadeeto waxa igu yidhaahdeen xafiiska ina soo geli, isla markaana waxa la igu yidhi Maayar waad xidhan tahay. Waan yaabay oo waxaan idhi adeer maxaa jira, xadhiggayga waxbaa ka horreeyey ee ma wixii ka horreeyey baa kaa lumay, dabadeedna waxa uu iigu jawaabay xilkiina waa lagaa qaaday waanad xidhan tahay, kadibna waraaqdii Badhasaabku hayey baan akhriyey, waxaanad moodaysay in mu’aamarad xoog ah la soo abaabulay oo wax hadal ah layma waydiin. Warqada la igu xidhayna waxa ku qornaa eedaymo ah; in la igu eedeeyey inaan la kulmay wasiir ka tirsan maamulka Puntland, inaan sameeyey musuqmaasuq, in aan shir beeleedo abaabulay iyo waxyaabo iska raqiis ah oo warqada ku qornaa, habeenkii sidaasaan ku xidhnaa.
Shaqadaydii xafiiskaan iska haystay, kadibna waxaan ku idhi waayahay waan xidhanahay oo innamadii ilaalada ahaa ee ila socday ayaan gogol u dirsaday, sidaasaa habeenkii la igu xidhay.
Maalintii dambe, waxa idaacadaha ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo wuxuu igu eedeeyey inaan u xidhanahay dambiyadii iyo qaraxyadii ka dhici jiray Laascaanood.
Haddii aan intaa kuugu dhaafo qaabkii la ii xidhayna aan wax yar kaaga sheego nuxurka dhabta ah ee xadhiggaygu ku saabsan yahay, Xaabsade oo la-taliye u ahaan jirey madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin tiroba afar jeerbuu isku dayey inuu xilka iga qaado, aniguna markii u horreysay intii aanay Somaliland qabsan Laascaanood, anigaa intaan ciidan qortay oo qayb-ka-qaatay xorayntii Laascaanood oo magaalada aniga oo badh haysta ayuu ciidanka Somaliland igu yimi. Anigana waxa la i magacaabay bishii August 2007, Laascaanoodna waxay gacanta Somaliland soo gashay October 2007, marka aniga oo gudaha magaalada intaan ciidan ka qortay saldhigyo badan haysta oo magaalada qaybo badan haysta ayuu ciidanka Somaliland soo galay oo waxa iigu yimi Abaanduulaha Ciidanka Qaranka iyo niman xildhibaanno ah, ilaa maalintaana anigu meesha waan joogay oo xilka maayarnimo ayaan hayey, intaa aan masuulka ahaana Xaabsade afkaarta waannu ku kala duwanayn xilligii dawladdii hore ee Ina Rayaale oo maalin walba waxa uu igu odhan jirey hebel iyo hebel soo xidh, taas ayaannu isku qabsan jirnay oo anigu waxaan aminsanaa in qofka kiis lagu haysto guddiga nabadgelyadu xidho oo qaab la isla og yahay loo xidho, haddii qof dambi gaar ah galay yahayna booliska iyo maxkamadaha xidhaya oo ku shaqo leh, laakiin anigu ma ihi qof lagu adeegto oo hebel iyo hebel xidh lagu yidhaahdo.
Markaa Xaabsade oo ay xilligaa aad iskugu dhawaayeen Daahir Rayaale iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro, waxa uu isku dayey inuu xilka iga qaado oo tiraba afar jeer buu waraaq xilwareejin ah u soo qoray nin uu isagu soo magacaabay, afartaa jeerba aniga ayaa fashiliyey oo olole ka galay.
Annaga oo sidii iskugu ciil qabna ayey dawladdii Rayaale dhacday, markii xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo talada la wareegtayna, waxa uu Xaabsade u ololeeyey in Laascaanood loo soo diro oo madaama ay hore waxba ugu suurtogali waayeen uu ku rajo weyn yahay inuu xilka iga qaado isaga oo dawladda cusub kaashanaaya, olole ballaadhan ayuu galay, isaga oo sheegay inuu gobolka wax ka qaban doono oo uu hagaajin doono, waxaannu dawladda ku beer-laxawsaday in masuuliyiinta gobolka oo dhan la beddelo, aakhirkii markii xilka wasiirnimo loo magacaabay ayuu dhawaan madaxweynuhu u soo diray magaalada Laascaanood, isaga oo wata waraaq awood buuxda loogu siiyey inuu gobolka waxa uu doono ka sameeyo, dabadeedna, iyada oo Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ee na xukuntay waxba ka ogayn ayuu yidhi xilkaa lagaa qaadayaa oo waa lagu xidhayaa. Si damaciisa xilka qaadistayduna ugu suurtagasho wuxuu sameeyey mu’aamarad iyo inuu i eedeeyo oo uu i xidho. Markaa xadhiggaygu sidaas ayuu u dhacay ujeeddada ka dambaysaana waxay ahayd in xilka la iga qaado, iyada oo dariiq fudud oo ka sahlan loo mari karaayey xil-ka-qaadistayda.
Jamhuuriya: Qaabkeebaa hadda laguu soo daayey oo xabsiga lagaaga soo saaray?
Maayirkii Laascaanood: Sii dayntaydana waxa u sabab ahaa markii beesha aan ka soo jeedo hubka guratay ee ka xumaatay falka la igula kacay, taas oo sababi gaadhay in aniga raaskayga iyo raaska Xaabsade isku dhacaan, markaas ayey noqotay in la ii soo daayo, xilkii waa la iga qaaday wax xilwareejin ahna maan samayn oo hannaankii dawladnimo oo dhan lama marin, meelbaana lagaga dhacay. Waxaas oo dhana waxa kalifay xilkaa yar ee aan dhawrka sanno hayey, ayaa Xaabsade la noqday inaan boqol sanno hayey. Haddana, kaga hadhi maayo magac-dilka uu igu sameeyey iyo masuuliyadda ay qaranka u hayaan meelbay kaga dhaceen, ilaa waxa ku kalifay kiiska uu igula kacay caddeeyana kaga hadhi maayo.
Markii la maqlay xadhigaygana magaaladii iyo dadkii oo dhami way u qaadan waayeen maayarkii Laascaanood baa la xidhay, iyada oo aan wax lagu haysto jirin, aniga mushtamaca Somaliland ee Hargeysa iyo magaalooyinka kale joogaa way i garanayaan nooca aan ahay, mushtamaca ku nool Laascaanood ee aan u shaqaynaayeyna way i garanayaan nooca aan ahay, qofka waxa lagu eedeeyana inay jiraan iyo in kale markaa waa la garanayaa, maayarkii magaalada dadka laynaaya oo qarxinaya waxay ka dhigan tahay Somalilandba si rasmi shacabkeedii u laynaysa. Markaa ninka eedaynaya waa nin qirtay oo tuurta u ritay in xukuumadda Somaliland, wasiiradeeda iyo ciidankeeduba ay laynayaan shacabka ku dhaqan deggaannada Sool iyo Buhoodle. Aniguna eedaymaha la ii soo jeediyey nin gaya ma ahi. Masuuliyaddu ixtiraambay leedahay maayar caasimad gobol xukuma in la iska soo qabto oo sida tuugta loo xidho, bal qiimaha ay leedahay qof kasta oo reer Somaliland ahi waa inuu eegaa, marka sidaa loo dhaqmana waxa aan ixtiraam yeelanayn madaxweynaha, wasiirka, xildhibaanka, badhasaabada iyo maayarada ila midka ah, guud ahaana mushtamaca reer Somaliland ixtiraam yeelan maayo oo qofka la doono ayaa la xidhi karaa, marka la doonana waa la soo dayn karaa. Waxa intaas dheer ilaa hadda wax raalligelin ah xadhiggayga iyo gefka la igula kacay lagama bixin oo xukuumaddu si rasmi ah raalligelin ugama bixin, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ha ahaato amma madaxweyna ha ahaadee.
Jamhuuriya: Badhasaabka Gobolka Sool waxa uu sheegay in toban oday ku dammiinteen sidaana lagugu sii daayey, isla markaana guriga lagugu ilaalinayo, arrintaasi miyaanay jirin?
Maayirkii Laascaanood: Horta sida la ii soo daayey waa sidaas aan hore kuugu sheegay, sii dayntayduna may ahayn garasho maamulka gobolka iyo kuwii i xidhay ka tami inay i sii daayaan.
Xukuumadda Somalilandna markii warka xadhiggaygu gaadhay wax jawaab ah kamay soo bixin, sida aan anigu warka ku hayo, waxa xusid mudan madaxweynuhu wuu ka hadlay baa la igu yidhi, wuuna ka xumaaday oo wuxuu yidhi arrintaasi mid fiican maaha ee maayarka shaqadiisa ha wato xorriyadiisana ha loo celiyo, laakiin nasiib-darro sidii la ii sheegay ciddii uu arrintaas u xilsaaray waajibkeedii kamay soo bixin oo waxay dhegaysteen oo u dhega nuglaadeen raggii Laascaanood joogay ee xadhiggayga ka dambeeyey, markaa markii ay arkeen in aan qof sharci-darro la iska haysan karin, waxyaabaha ay igu eedeeyeena aanay socon karayn ayey igu yidhaahdeen dammiinbaa lagugu sii daynayaa. Suxaban maanta ah (Axaddii shalay) ayey ahayd in aannu go’aan kala qaadanno oo haddii wax cad la igu hayo la ii sheego, tiina may dhicin oo kuwii i haystayba Hargeysa ayey iska yimaadeen, anigana cid guriga igu ilaalin karta iyo cid xorriyadayda faragelin kartaa toona ma jirto.
Jamhuuriya: Waxa lagugu eedeeyey in iyada oo aan maamulka gobolka iyo hay’adaha ammaanku ku ogayn aad deggaanno u dhaw Laascaanood tagtay ood masuuliyiin Puntland ah kula kulantay, isla markaana aad aabaabulaysay falal ka dhan ah Somaliland, taasi miyaanay jirin?
Maayirkii Laascaanood: Aan halkaa kuu yara iftiimiyo, hooyaday ayaa degan tuulo Laascaanood ku dhaw, dadkuna markay waaweynadaan waxay jecel yihiin inay magaalooyinka ka baxaan oo deggaannada miyiga iska tagaan si ay hawo u soo qaataan, markaa Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Ganacsiga iyo xildhibaan Koore, ayaan u sheegay in aan hooyaday ku booqanayo tuuladaas Laascaanood u dhaw, waxaanan ku idhi waar islaantii hooyaday ahayd oo xannuunasanaysa ayaan u tegayaa oo ilaa saddex maalmood ku maqnanayaayey sidaa igaga warhaya, badhasaabkuna wuu oggaa iyaguna sidaasbay u oggaayeen, tuulada aan tagayana ciidanka Somalilandba degen oo Puntland ma iman karto. Markaa cid aan halkaa kula kulmay ma jirto, wax nabadgelyo darro ah oo aan wadayna ma jirto, dadkuna way wada og yihiin oo safarkaas gaaban oo aan hooyaday ugu tagay ayuu ahaa waanan ka soo noqday.
Jamhuuriya: Waxa kale oo lagugu eedeeyey in aad ku kacday musuqmaasuq oo xoolo ummadeed aad lunsatay, arrintaa ka waran?
Maayirkii Laascaanood: Horta wax la musuqmaasuqaaba Laascaanood ma yaalaan oo cashuur haggaagsana ma qaadno, dakhli kalena nama soo galo, markaa maxaa la musuqmaasuqi ama la lunsan, ta kale, aniga Xaabsade ima odhan karo waxbaad lunsatay oo warba kama hayo dakhliga na soo gala iyo qaabka dawladda hoose u shaqayso, Hantidhawr noo yimi oo intuu na baadhay nagu helay wax aanu lunsanayna ma jirto, cidda qudha ee waxbaad lunsateen na odhan kartaa waa Hantidhawrka iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo wadashaqayn naga dhexayso, dakhligayaga iyo waxa na soo galena og oo wax ka garanaysa shaqada dawladda hoose. Arrintaasnina waa mid aan waxba ka jirin oo mu’aamarad iyo masabidaad ah, wax ka jiraana ma jiraan.
Jamhuuriya: Waxa aad sheegtay in aanad ka hadhi doonin ciddii ku xidhay, maxaad doonaysaa in aad ku samayso?
Maayirkii Laascaanood: Ka hadhi maayo oo dacwad baan ku qaadayaa, Hargeysa ayaan imanayaa oo dacwadaydana qaabkii sharciga ahaa ayaan u marayaa, haddii sharcigu shaqayn waayo oo nidaamka dawladnimo kiiskayga wax ka qaban waayana, qabiil bay tagi doontaa oo kolayba ka fursan mayso in aan qaab qabiil u maro dacwadayda, ciddina ma kala xoogwayna oo reer reer baa la yahay, markaa haddii sharciga iyo kala dambayntu socon waayaan reer reer bay noqon doontaa.
Jamhuuriya: Marka aad leedahay reer reer bay arrintu noqon doontaa, miyaan loo arkayn in adiga oo nin masuula ah aad baabulayso dagaalo iyo sidii beelaha wada degaa isaga hor iman lahaayeen?
Maayirkii Laascaanood: Horta marka horeba saansaanta dagaal wuu muuqday oo markii la isoo daayey ayey arrintu qaboowday, abaabulkuna wuu jiray, aniguna ma ihi nin dagaal abaabulaya, laakiin caddaalad-darrada iyo mu’aamarada la igu sameeyey ka hadhi maayo, ilaa la igu soo caddeeyo wixii la igu haystay ee la ii xidhay.
Jamhuuriya: Waxa dhawr jeer lagugu eedeeyey in aad xidhiidh la leedahay kooxaha argagixisada ah ee qaraxyada iyo dilalka ka fuliya Laascaanood, waa maxay xidhiidhka idinka dhexeeya adiga iyo kooxaha nabadgelyo darrada ka wada deegaannada Gobolka Sool?
Maayirkii Laascaanood: Waa su’aal wanaagsan, waxaan kuu sheegayaa in qofka la ogyahay in Somalilandnimo dhab ka tahay aanay laba soo xidhiidhin kooxaha argagixisada ah ama kooxaha nabadgelyo darada wadda, eedahaasina waa kuwo aanay waxba ka jirin. Aniguna waxaan ahayn nin reer Somaliland ah oo muwaadinimadu dhab ka tahay, welgayna reer Somaliland baan ahaanayaa, xadhig, mu’aamarad iyo eedo aan waxba ka jirina noqon maayaan kuwo wax u dhima Somalilandnimadayda, kuwa I eedaynaya oo Xaabsade ka midka yahayna anigaa uga dhaw oo uga adadag mabda’a Somalilandnimada. Markaa waxaan kuu sheegayaa in aanay wax xidhiidh ahi naga dhexayn karin cid cadaw ku ah Somaliland.
Jamhuuriya: Xilkii maayirnimo waa lagaa qaaday, adigu hadda ma waxaad isku aragtaa in aad weli tahay maayirkii magaalada, mise in aad la mid tahay muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ee aan xilka hayn?
Maayirkii Laascaanood: Anigu maayirkii sharciga ahaa ee Laascaanood in aan ahay ayaan isku haystaa. Waayo sifo sharci ah xilka la igama qaadin, wax xil-wareejin ahna maan samayn, xil-ka-qaadistayduna sifo-sharci ah ayey martaa, markaa maadaamaa aan sifihii sharciga ahaa loo marin xil-ka-qaadistayda wax shaqaynaysa ma noqonayso, hadda nin kale ayaa maayirka Laascaanood loo soo magacaabay, laakiin anigu ku qabsan maayo, laakiin sharciyan marka laga hadlayo anigaa ah maayirkii sharciga ahaa ee magaalada. Haddii qaabkii sharciga ahaa la maro oo xil-wareejin la sameeyana waxa laga baqayaa in aan xil-wareejinta ka sheego waxqabadkaygii ballaadhnaa ee aan sameeyey mudadii aan xilka hayey oo dadka iyo saxaafaddu ogaato horumarka aan gaadhsiiyey Laascaanood iyo mashaariicda aan fuliyey, waddooyinka aan sameeyey, cagafcagafyo aan dawladda hoose u iibiyey, sariibadu aan magaalada u sameeyey iyo xafiisyada dawladda hoose aan si fiican u qalabeeyey.
Source Jamhuuriya.