Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo xiligaa ahaa ku simaha Madaxweynaha Somaliland oo safar debeda ah kaga maqnaa dalka ayaa 29 April 2011 ee lasoo dhaafay magcaabay gudi heer qaran ah, kuwaas oo ka koobnaa shan xubnood oo golaha
wasiirada ka tirsan, Maayarka Caasimada, Badhasaabka Maroodi-jeex iyo laba sarkaal oo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland.
Guddidaa heerka qaran waxa Madaxweyne xigeenku u magacaabay, qaban qaabada xuska sannad guurada 20aad ee 18-ka May, taas ku beegnayd Arabacadii todobaadkan, isla markaana dalka gudihiisa iyo debedaba si weyn looga xusay.
Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa gudidaa looga dhigay gudoomiye, wuxuuna Madaxweyne xigeenku qoraalkii uu ku magcaabay ku faray sidan:- “Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay leedahay maalintan 18-ka May, waxaanu faray inay hawshaasi xil mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl galaan agaasinkeeda.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland ee lagu magcaabay gudidaa 29 April 2011.
Gudidaa oo markii la magcaabay qaar baddan oo bulshada ka mid ahi u arakayeen kuwo kasoo bixi kara hawsha baaxada weyn ee loo xil saaray ayaa qabsaday kulamo dhexdooda ah, waxayna durbadiiba bilaabeen inay dhaqaalle ururis ay ku macneeyeen kharashka hawsha ka bilaabeen ganacsatada, shirkadaha iyo meelo kale oo ay u arkeen inay dhaqaalle ka helayaan. Sida Ururada bulshada, bacadlayaasha, wadhatooyinka iyo caanaleyda, iyagoo dhinaca kalena Xukuumadda kula noqday kharash ay sheegeen in loo baahan yahay oo ku baxaya qabanqaabada munaasibadaa 18 May, kaas oo ay isu geyntiisa ka dhigeen 18MLy oo lacagta Somaliland ah, isla markaana ku baxaya warbaahinta, fanaaniinta iyo arrimo kale oo mihiim u ah hawshaa.
Hase yeeshee xubnaha gudida ayaa kulamadii u horeeyay ee ay yeeshaan isku khilaafay sida loo maamulayo hawsha agaasinka iyo kharashaadka, kadib markii uu maroorsaday awooda Chief Of Protoclka Madaxtooyadda Maxamed Ilka-case , kaas isaga iyo wasiirka kaluumaysiga Mr. C/llaahi Geel-jire, waxaana meesha ka baxay gudoomiyihii loo magcaabay gudidaa oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Gaboose, balse Wasiirada Waxbarshada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo gudoomiye loogu doortay gudidaa ayaa iyaduna ka muquuratay markii ay fahmi wyday qaabka awood maroorsi ee Chief Of Protocolka Madaxtooyadu u inqilaabay gudida qabanqaabada munaasibada 18 May.
Bilawgii hawsha waxa lagu war geliyay kulan ay la yeesheen saxaafada qayb ka mid ah gudida inay saxaafada u qorshayeen kharash kooban, isla markaana looga baahanayahay saxaafada gudi shan xubnood ah oo ay kala hadlaan qaabka agaasinka hawsha ee baahinta munaasibadaa iyo wixii kharash loo qoondaynayo. Balse ugu danbayntii dhawr maalmood ka dib waxa xubnaha saxaafada ka socday oo la kulmay gudidaa uu ku wargeliyay Chief Of Protocolka Madaxtooyadu inuu Madaxweynhu diiday lacagtii loo qorsheeyay saxaafada, isla markaana isagoo ku hadlaya Afka-Madaxweynaha aan waxba la siinayn. Laakiin kooxda gudida oo kusoo war celisay saxaafada, waxay is tuseen in hawshaa qaran sideedii looga qaybqaato, isla markaana halka ay wax ka khaldameen ay soo bixi doonaan.
Wasiirka warfaafinta iyo wasiirka Ciyaaraha oo labaduba ka mid ahaa xunaha gudida ayaa dib u gurtay markii uu kharashaad labadaa wasaaradood ugu qornaa agaasinka munaasibada laga saaray meesha, tusaale ahaan wasaarada warfaafinta oo loo qoondeeyay $ 7000 (todoba kun oo dolar), ayaa lagu wargeliyay in loo hayo $ 3000, taas oo wasiirku ku gacansaydhay, balse Maxamed Ilka-case oo ahaa xogahaya gudida, balse gebi ahaanba madaxa ku duubtay maamulkii gudida ayaa si hoose qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada u siiyay lacag ka yar saddexdaa kun oo qaab laaluush ah. Kadib markii uu wasiirku ku gacan saydhay.
Qaar baddan oo ka mid ah Ururada Bulshada ayaa keenay calamo iyo istiikaro loogu talo galay munaasibada, balse kumanaan calan oo ay keeneen qaybaha ururada bulshada oo lagu wareejiyay gudida, isla markaana la doonayay in dadka loo qaybiyo ayaa laga faasaxay suuqa, iyadoo ay calamda qiimahoodu maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhayeen. Gebi ahaanba waxa mad madaw iyo musuqmaasuq garab socday intii hawsha qabanqaabadu socotay, taas oo keentay maamul xumada iyo fidhiidhka kasoo baxay maalintii dabaaldega.
Arrimahaa maamul xumada iyo awood maroorsiga ayaa saamayn ku yeeshay xataa qaabkii suxufiyiintu uga qaybqaadan lahayd gudbinta munaasibadaa, isla markaana ciidamada Booliska iyo suxufiyiinta qaarkood ayaa isku dhacay, iyadoo aanay saxaafadu helin gaadiid ay ku dhaqdhaqaaqaan si ay u gaadhi karaan goobaha kala durugsan, waraaqaha dhaqdhaqaaqa ee saxaafada loo qorsheeyay ayaan la arag, marka laga reebo dhawr xarumood oo warbaahinta Somaliland ah, waxaana waraaqii loo qoondeeyay gaadiidka saxaafada si gaara u maamushay xoghayihii gudida ee hawsha madaxa ku qaatay Maxamed Ilka-case, isagoo siiyay dad aan ehel u ahayn saxaafada oo aan shaqo ku lahayn hawlaha saxaafada si ay gaadiidkooda ugu maraan maalintaa meesha ay doonaan. waxayna Boolisku garaaceen weriyaha Idaacada VOA Ismaaciil Farjar.
Telefishanka qaranka ayaa laga arakayay qaabkii uu u baahiyay munaasibadaa xiligii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan C/llaahi (Seylici ) salaanta ku qaadnayeen afaafka hore ee madaxtooyada, iyadoo weriyayaasha gudbinayay ahaayeen kuwo isku dhex daadsan, isla markaana khaladaad badani kasoo bexeen ereyada ay isticmaalayeen iyo weliba magaca madaxweynaha oo weriyahu ku sheegay madaxweyne xigeenkii hore. Sidoo kalena ay u muuqdeen kuwo aan wax baddan kala socon taariikhda munaasibadaa, iyadoo muuqaalada sawirada ee Telefishanka qaranka Somaliland ka sii daayay halkaa ay haayeen kuwo foolxumo ku ah qiimaha munaasibada maalintaa taariikhiga ahayd. Sidoo kale wuxuu Tv-ga qaranku ku guuldaraystay inuu si toos ah u baahiyo dhacdadaa munaasibada, balse Idaacada radio Hargeysa ayaa iyadu ka duwanayd, waxayna si toos ah dhegeystayaasha ugu gudbinaysay munaasibadaa, iyadoo ay ka muuqatay diyaargaraw ay sameeyeen xaflada ka hor, waxaana meelo ka baxsan magaalada caasimada ah ee hargeysa sida Baligubadle ay toos uga sii daayeen sidii ay u dhacayeen munaaibadihii lagu qabtay.
Inkasta oo munaasibada labaatan guurada lasoo noqoshadii madaxbanaaninada Somaliland ahayd tii ugu weynayd ee dalka gudihiisa iyo debedaba ka dhacda, isla markaana dadku si weyn iskood isugu soo abaabuleen. Marka laga yimaado dhacdadii munaasibada 18 May ee maalintaa, waxa hebeenimadii lagu qabtay qasriga Madaxtooyada xuska munaasibadaa, taas oo aanay gebi ahaanba warbaahinta Somaliland ka qaybgelin marka laga reebo suxufiyiin ka socday Tv-ga qaranka iyo Idaacada. Sidoo kale weriyayaal ka socday Telefishanadda Aljazeera, Bloomberg iyo weliba wergeyska Financial Times ee ka soo baxa magaalada London ayaa loo diiday inay xafladii habeenimada ka qayb gallaan, taas oo qayb ka ahayd qaabkii loo maamulay hawshaa, iyadoo kaadhadhkii loo qorsheeyay saxaafada iyo shaqsiyaad kale oo mihiim ahaa ay ku tagri faleen Chief Of Protocolka Madaxtooyada iyo wasiirka kaluumaysigu, kuwaas oo kaadhadhka siiyay haween ay ku casuumeen iyo shaqsiyaad kale oo ay dano ka lahaayeen.
Maxamed Makhtal oo u ololeeya citiraafka Somaliland iyo sidii aqoonsi buuxa loogu heli lahaa dalkan oo xurmo iyo sharaf ka mudan qaranka ayaan gebi ahaanba ka qaybgelin dabaaldegii munaasibadaa. Kadib markii uu laba maalmood ka hor gaadhigiisa geeyay madbacada ASAL, taas oo uu ka dalbaday inay ku buufiyaan gaadhiga calnka Somaliland iyo sawiro madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka, isagoo u qorsheeyay kharash baddan oo ku baxayay hawshaa, balse nasiibdaro iyadoo waxyaabihii lagu daabacayay gaadhigaa madbacadu dhamayn ayaa munaasibadii dhamaatay.
Maxamed Makhtal oo ka muurara dilaacasan arrintaa iyo sida gaadhigiisa uu kharasha baddan ku bixiyay uga haddhay munaasibadaa ayaa ka mid ahaa dadka loo sheegay in loo hayo kaadhadhka munaasibada habeenkaa ee madaxtooyada, wuxuuna ku war geliyay Chief Of Protocolka Madaxtooyada Maxamed Ilaka-case inuu u hayo kaadhka casuuumada, balse ugu danbayntii wuxuu ka mid noqday shaqsiyaad mihiim ah iyo masuuliyiin sidan oo kale loogu ciyaaray oo karaamada laga qaaday, kuwaas oo qaarkood loo sheegay inay yimaadaan af-faafka madaxtooyada si loo siiyo kaadhadhka lo ohayo, balse ka huleelay halkaa markii ay ku lugo’een ee ay askarta ilaalada madaxtooyada murmeen. Dhamaan arrimahaa iyo kuwo kale oo fadeexado musuqmaasuq iyo maamul xumo ayaa kasoo ifbaxay maamulkii iyo agaasinkii munaasibada qiimaha baddan ee labaatan guurada 18 May, taas oo looga fadhiyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu talaabo cad ka qaado, isla markaana ka faa’idaysto khaladaadka ay sameeyeen shaqsiyaadkii hawshaa qaranka ee qiimaha baddan loo igmaday, kuwaas oo gebi ahaanba ay qoorta u sudhan yihiin fadeexadaha maamul xumo iyo musuqmaasuq ee kasoo if-baxay munaasibadaa.
By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com