Hargeysa(ANN) Maraykanka iyo xulafaddiisa  NATO, ayaa la filyaa  inay qorshaynayaan sidii ay weeraro dhinaca cirka ah ugu qaadi lahaayeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaas oo ku hanjabay inay qaadi doonaan dagaal loogu aargudayo dilka hoggaamiyihii Al-qaacida

 

Osama Bin Laden oo Maraykanku sheegeen inay 2 May ku dileen weerar ay ku qaadeen dhisme guri ku yaalay duleedka xarun Milateri oo ku taal Abbott bad oo ka tirsan dalka Pakistaan. 
Ra’iisal-wasaaraha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa daboolka ka qaaday in qorshaha Gaashaan-buurta NATO ku doonayso in ay weeraro ku qaado gudaha wadanka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-shabaab, iyada oo ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaanajo oo waraysi siiyey wargeyska the Wall Street Journal ee ka soo baxa wadanka Maraykanka uu qudhiisu tilmaamay inuu soo dhawaynayo weeraro dhinaca cirka ah oo Maraykanka iyo NATO ku qaadaan goobaha Al-shabaab ka taliso, balse waxa uu sheegay in aanay u baahnayn ciidammo dhulka ka dagaalamada, maadaama ay kuwa AMISOM iyo ciidanka dawladdu ku filan yihiin dhinaca dhulka haddii ay taakulayn sare ka helaan NATO iyo Maraykanka.
“Waanu soo dhawaynaynaa weeraro dhinaca cirka ah oo ku jihaysan bartilaameedyo gaar ah oo lagu burburniyo kooxda Al-shabaab, laakiin waanu jeclaan lahayn in tababar nala siiyo si aanu anagu hawshaas u fulino. Kooxdaasi maaha wax si dhib yar loo burburin karo, maxaa yeelay Al-qaacidda way ka weyn tahay inay wax u noqoto qof qudha oo laga dilay, safka hore ee difaacana anagaa ku jirna, laakiin haddii caddaadis lagu saaro gudaha Soomaaliya, heli maayaan wakhti raaxo ah oo ay ku qorsheeyaan weeraro argagixiso oo ay ka fuliyaan wadamada ka baxsan Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi; ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo u ololaynaya in weeraro dhinaca cirka ah lagu qaado deegaannada Al-shabaab ka taliso.
Waxa Maxamed Cabdillaahi Farmaanjo sheegay in haddii xulafadda NATO iyo Maraykanku ku guulaystaan dagaalka Afghansitan sidaa awgeed  ay taasi keeni doonto in kooxaha argagixisada ahi usoo guuraan Soomaaliya, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Haddii NATO ku guulaysato dagaalka Afghanistan, kooxaha argagixasada ahi waxay u soo guuri doonaan Soomaaliya, kooxaha jihaadka doonaya waxay xoog u danaynayaan mandaqada Geeska Afrika oo muslimiin badani ku nool yihiin. Waxaanu doonaynaa in sida Ciraaq iyo Afghanistan oo kale loola dagaalamo Soomaaliya. Waxaanu u baahanahay awood dhinaca cirka ah iyo tignooloji aad u sareeya oo lagula dagaalamo Al-shabaab.”
Dhinaca kale wararka sheegaya inay Maraykanka iyo xulufadiisa qorshaynaya inay weeraro dhinaca cirka ah ku qaadaan Somalia oo ay ku bartilmaameedsanayaan  deegaamada ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab ayaa soo baxay maalmo yar ka dib markii ay maraykanku sheegeen inay dalka Pakistaan ku dileen hogaamiyihii shebekada Al-qaacida oo lala xidhiidhiyo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia, kuwaas oo sheegay inay u aar gudi doonaan Usama Binu Laden, balse qaar baddan oo ka mid ah Muhaajiriinta ka dagaalamayay Somalia ee Al-shabaab ayaa todobaadyadii u danbeeyay u baxay dhinaca dalalka Yamen  iyo Libya, kuwaas oo loo malaynayo inay ka war heleen weerarada loo qorshaynayo. Laakiin ay warar kale sheegayaan inay  gurmad ugu baxeen  dagaalada iyo kacdoonada ka jira dalalkaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha la doonayo in dhinaca cirka laga duqeeyo Somalia ayaa la filyaa inay Maraykanka iyo xulufadiisa NATO bilaabaan maalmaha soo socda iyo saacadaha fooda inagu soo haya, waxaana  hadalhaynta weeradada loo qorshaynayo Somalia kusoo beegmeen iyadoo  maanta oo Jimce ah Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaligu sheegtay inay  barnaamijyadeeda iyo xiliga ay hawada ku jirayso wax baddan ka bedelay laga bilaabo sabtida 13, May 2011, oo ay hawada ku jirayso marka ay soo gasho 2 duhurnimo ilaa lixda maqribnimo, taas oo loo malaynayo inay gogol xaadh u tahay sidii raylcaamka bulshada Soomaalida loogu qancin lahaa weerarada la qorshaynayo ee dhinaca cirka, kuwaas oo ku jihaysan kooxaha Al-shabaab oo ah kuwo  faro  baas ku haya Dawlada taagta daran ee Somalia. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *