Hargeysa(ANN)Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ku baaqay in Golaha Wakiillada Somaliland la kala diro maadaama oo ay ansixiyeen xeer ka soo horjeeday dastuurka Somaliland oo ah xeerka isgaadhsiinta, isla markaana waxa uu u soo jeediyey madaxweynaha iyo Golaha

 

guurtida inay ka fiirsadaan meel-marinta xeerkaas oo gef iyo meel kadhac ku ah dastuurka qaranka.
Suldaan Maxamed waxa uu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo uu faahfaahin kaga bixiyey aragtidiisa ku waajahan xeerka isgaadhsiinta ee Golaha wakiillada Somaliland dhawaanta ansixiyeen.
Suldaanku Maxamad waxa uu sheegay in ay Golaha wakiilada Somaliland ay Kufashilmeen Ansixin Xeerka Isgaadhsiinta meel-ka-dhac weyn u gaysteen Dastuurka Qaranka Dalka, isaga oo ku baaqay in Golaha wakiillada la kala diro,  maadaama ay dastuurkii dalka ku gefeen“Ciddii dastuurka ku tumatay [Gollaha Wakiillada] dawadeedu waxa weeye in la kala diro, oo Gole cusub la doorto.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaan Maxamed waxa uu tilmaamay in dastuurka waddanka khaladaad badan laga galay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “130-ka qodob ee dasuurka Somaliland ee lagu heshiiyey waa in la tixgeliyo, ee maaha in qofba xaashi goosto. Haddii maalinba xaashi la jaro dee waynu kala tegaynaa”
Waxa kale oo uu Suldaanku ka hadlay isgaadhsiinta isaga oo yidhi “Isgaadhsiinta inay tartan noqoto ayayanu filaynay, laakiin maynaan filayn in kooto la geliyo.”

Suldaan Maxamed waxa uu sheegay inay golaha wakiiladu ansixiyey xeerka ka soo horjeeda dastuurka Somaliland, isaga oo ugu baaqay Maxaweynaha in Goloha Guurtida inay ka fiirsadaan oo aanay meel-marin xeerkaas, isla markaana waxa uu sheegay inmarka xeer la samaynayo in laga qayb geliyo cidda uu khuseeyo.

Waxaana uu wasiirka Boostaha ku canaantay inuu ka gaabiyey soo sixista xeerka isgaadhsiinta ka hor intii aan loo gudbin Golaha wasaairada iyo Golaha Wakiilada, oo uu sheegay in guddida dhaqaaluhu majara-habaabiyeen. Sidoo kale soo jeedintii Madaxweynaha ee ahayd in wixii khilaafsan dastuurka qaranka laga saaro xeerka ay tureen mudanayaasha golaha wakiiladu, isla markaana doodihii xildhibaanada qaarkood ku sheegayeen inuu xeerku dastuurka gef ku yahay oo aan sidaa lagu ansixin aan dheg loo dhigin.

“Waxaynu arkaynay in guddoomiyihii golaha wakiilada oo jooga la masaafuriyay oo fasax iyo caafimaad aan jirin loo diray, si guddoomiye xigeenkii oo hawshii shirgudoonka la wareegay u meel mariyo qorshihiisa, waxa kaloo aynu arkaynay in wasiirkii xeerka wasaaraddiisa lga sugay, inta golaha loo gudbiyay loo dhiibay guddi aan shaqo ku lahayn oo ah guddidii dhaqaallaha, markii shir gudoonkii la masaafuriyayna inta meel layskaga tuuray soo jeedintii madaxweynaha ee ahayd wixii dastuurka ka hor imanaya in xeerka  laga saaro la tuuray oo sidii la doonayay laga yeelay, waxaana arrintaasi meel ka dhac iyi gef weyn ku tahay sharciga dalka iyo dastuurka qaranka ee xaaraantimyeeyay kootada.  

Waxa uu suldaanku xaaraan ku tilmaamay in 25 sanno shirkad keliya [SOMCABLE] in kooto loogu xidho Cable-ka badda hoos mara, isaga oo xusay in muwaadiniinta kale ee doonaysa tartanka loo furo, isla markaana aanay dani ugu jirin dadka in iyadoo ay meesha taalo in isgaadhsiinta badda ee Kaybalku soo maro Berbera la ogolaado mid Djibouti laga keeno. 

Mar  uu Suldaan Maxamed ka hadlayay Cable-ka waxa uu yidhi “Labada Cable [Somcable iyo Dalcom] midna Berbra ayaa laga maamulayaa midna  Dalaka Jabuuti. Haddii la yidhaahdo kabaha qof keliya ayaa dalka keenaya ma noqonayso suurta gal. sidaa awgeed keybalka shirkad keliya kooto haloogu xidho maana macquul. Wuxuuna tusaale usoo qaatay shirkaddaha isgaadhsiinta Somaliland, isagoo yidhi, “ inagu waxaynu u baahanahay in dalkeena la maalgashado, Telsom inta baddan waxa laga leeyahay Koonfur waxayna ku jirtaa Tuulooyinka iyo meel walba, Somtelna kuma aanu arag meelaha miyiga, markaa inaga waxa laynooga baahan yahay inaynu danteena iyo wixii ummmada u danaynaya aynu faa’idadeeda ogaano, mana aha inaynu Kootadii aynu ina Rayaale  ku haysanay inagu isula nimaadno.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed C/qaadir.

Suldaanku waxa uu soo bandhigay qoraal dukumenti ah oo uu sheegay inuu yahay kii wasiirkii hore ee Boosaha lagu eryay oo uu dib u qoray wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, kaas oo iftiiminaya inay isgaadhiinta somaliland hoos tegey Djibouti haddii  Keybalka Somcable la keeno, balse waxa uu sheegay inay Dalcom Keybalka kasoo qaaday Berbera, wuxuuna  aad ugu dheeraaday faa’idooyinka  uu leeyahay Cable-ku, isagoo  tilmaamay inuu   bulshada Somaliland u leeyahay waxyaabo baddan oo ay ka faa’idaysanayaan sida  waxbarashada, horumarka, caafimaadka iyo xidhiidhka caalamkaba uu door-weyn ka qaadanayo.
Ugu dambayntii waxa uu ugu baaqay dhammaan golayaasha qaranka iyo shacabweynaha reer Somaliland in la ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda waddanka ee lagu heshiiyey, si loo helo ayuu yidhi  wada-jir iyo isku duubnaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *