Berbera(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal qaatay in ka badan laba todobaad ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada Khaliijka ee isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Kuwait ayaa galinkii danbe ee maanta ka soo degay Gegida
Diyaaradaha Berbera.
Madaxweynaha oo ay siday diyaarad khaasa oo ay lahaayeen shiyuukhda dalka Kuwait, waxa Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Madaxda Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, Xubno ka mid ah golaha wasiirada, xildhibaanno, cuqaal, Taliyayaasha ciidammada kala duwan iyo dadweyne magaalada Berbera iyo Hargeysa ah . Madaxweyne Siilaanyo wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka baanbayda.iyadoo soo dhawayntiisa ilaa xalay looga diyaar garoobayay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Madaxweynaha oo qolka VIP-da warbixin ku siiyay saxaafadda waxa uu xogwaran kaga bixiyay kullamadii uu la yeeshay madaxda dalalka carbeed ee uu safarka ku tegay, isagoo ku dhawaaqay mashaariic lagu qiyaasay 15 milyan oo mashaariic maalgelineed lagaga fulin doono Somaliland. ”Aniga iyo waftigii aan hogaaminayay waxa aanu safar ugu maqneyn dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwait mudo todoba iyo toban casho ku siman, waxaanu madaxda iyo haayadaha dalalkaa aanu tagnay kala hadalay adkeynta xidhiidhka inaga dhexeeya iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh.
safarkayagani waxa uu ahaa mid midha dhala, waxa nalgu qaabiley hab maamuus aad u heer sareeya, waxaanu kala kulanay soo dhaweyn saaxiibtinimo oo walaalnimo ku dheehantay. Emiraatka carabta masuuliyiinta aanu la kulanay waxay kala ahaayeen sheekh Hamdaan binu Saayid Al nahyan qeybta galbeed Imaaraadka carabta Abu Dubai, Raisal wasaara-ku-xigeenka Sheekh Mansuur, Wasiirka Tacliinta Sheekh Nahyaan Bin Mubaarik Nahyaan, Amiirka Raysul-Khaaima Sheekh Sucuud.
Madaxda dalka Kuwait ee aanu la kulanay waxay kala ahaayeen Amiirka Kuwait Sheekh Sabaax iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiarada dalkaa, Dr Suleymaan oo ah guddoomiyaha hay’ada mashaariicda gargaarka.” ayuu yidhi Madaxweynuhu
Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay noocyada mashaariicda horumarineed ee dalalkaasi ka fulin doonaan Somaliland, isagoo arrimahaa ka hadlayana wax uu yidhi, Madaxda wadamadaas waxaanu u bandhignay inay inaga caawiyaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, biyaha 150 ceel iyo 23 dhaam, caafimaadka waxbarashada iyo wadooyinka, inkastoo uu ahaa kulankaygii u horeeyay ee aan la yeesho madaxda carabta hadana waxay noo soo ogolaadeen mashaariic waaweyn oo noqon kara 15 milyan oo dollar,, kuwaasoo isugu jira 24 ceel, 20 dhaam iyo dayactirka wadada u dhaxaysa Berbera iyo Burco, waxa kale oo Kuwait balanqaaday inay waxbarashada iyo caafimaadka wax ka tari doonaan iyagoo soo diri doona khubaro qiimayn ku sammeeya mashaariicdan.
Dawlada Abu Dubai waxay noo ogolaadeen deeq waxbarasho oo 50 arday ah, annaguna waxaannu u soo bandhignay inaanu diyaar u nahay wixii maalgashi ah ee ay dalkeena ku samaynayaan, iyaguna waxay noo sheegeen inay ka faa’iidatysan doonaan furasada aanu siinay, waxaana dalka iman doona shirkado kala duwan oo doonaya inay maalgashadaan.”
Intaa kadib Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa jawaabo ka bixiyay su’aalo la xidhiidha safarkiisa iyo arimo kale oo ku saabsan hadalhaynta isbedel uu ku samaynayo xukuumaddiisa, wersheda sibidhka ee Berbera iyo qadiyada citiraafka Somaliland, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay madaxweynuhu oo dhammaystirani waxay u dhaceen sidan:-
S – Madaxweyne goorma ayaad isleedahay way fulayaan mashaaricda aad sheegtay in ay kuu balan qaadeen madaxdii wadamadaa aad safarka ku tagtay?
J – Waxay filayaa madaama oo ay dad iyo dal kala duwan yihiin wakhti naloo cayimay oo jiraa ma jiro laakiin waxan filayaa in ay fulayaan sanadkan gudihiisa kolay waxan filayaa in aanay mashaariicdaasi mar wada fuleyn laakiin qeybo ayaa fuli doona.
S – Madaxweyne ma jirin xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeyay wadamada carabta iyo Somaliland safarkaagan oo ah kii ugu horeeyay sida ka muuqanaysay marka la eego meeqaamkii adiga iyo waftigaa laydinku qaabilay wadamadii aad tagteen ma laga yabaa in ay dalalka carabtu hormood unoqdaan aqoonsi ay Somaliland ka hesho bulshada caalamka?
J – runta marka aanu sheegno arinta aqoonsigu maaha mid lala soo boodayo oo lagu dheeraynayo dalalka carabtuna ama kuwa kale ee duniduba waxay nagu yidhaahdaan arinta aqoonsigiinu waxay taalaa Afrika waa arin AU.-da iyo mandaqada u taala markaa umaleynmaayo in ay ta ugu horeysa ee ay mihiimada siinayaan ay tahay aqoonsiga laakiin dunida wax badan baa isbedelaya marka uu dhaqaaaluhu isbedelo xidhiidhku weynaado wax badana ay maalgashadaan xidhiidh iyo masaaliix badanina ay ina dhex maraan xidhiidhkuna uu furmo wax badanina way iska bedeli doonaan aragtida maanta taala.
S – Madaxweyne intii aad safarka ku maqneyd waxa siweyn dalka looga hadal hayay in aad isbedel ku sameyn doonto xukumadaada marka aad soo noqoto arintaasi ma jirtaa?
J – horta wax aniga iga soo baxay oo ku saabsan isku shaandheynta xukumadayda ma jirto.
S – Madaxweyne waxa jirta inaad gudi usaartay ka soo tala bixinta furashada ururo cusub oo siyaasadeed hadaba marka laga yimaado talada ay keeni doonaan gudida aad magacawday ka Madaxweyne ahaan adiga muxuu yahay mawqifkaaga ku aadan arintaa ururada.
J – arinta la furashada ururada waa ogeydeen arintaa gudi heer qarana baa loo saaray oo cid waliba ku jirto gudidaasina wali hawshoodii bay ku jirtaa walina natiijadoodiina maan helin arintaasi waxay ku xidhantay jawaabta aan ka helo gudidaasi markay hawshooda soo dhameystaan .
S – Madaxweyne waxa jirtay in aad dhawaan ruqsad u siisay labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Telsom in ay warshada sibidh ka hirgaliyaan warshada cusub oo sibidhka ah taas oo aad uga biyo diideen ganacasato rusuqsad hore ka haystay xukumada arintaas oo sida laga warqabo dareen ka abuurtay in badan oo bulshada dalka kamida taas oo kentay in ay labadii shirkadooda mid kamidi ka noqoto maalgashigii warshada hadaba madaxweyne masidii aad ku bixisay baa mase laga yaabaa in aad wax ka bedesho?
J – arintaas warshada sibidhka ee Berbera arintaas gudida qaran baanu usaaray gudidii qaranka taladeedii baanu fulinay talooyinkaa wax cusub oo aan ku bedelay ma jiraan.
S – Madaxweyne waxa jirta in aad wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyada aad hadiyo jeer sheegi jirtay in ay daan cabudhin doonin saxaafada oo xeerarkeedana aad tixgalin sii doontaan imikana waxa jirta in qaar kamida wargeysyada ka soo baxa dalka intii aad maqneyd iyo markii hore aad joogtayba in xeer ciqaabeed lagu fuliyay taas oo xeer saxaafadana ka hor imanaya mawqifkaagii xiligii ololaha ma waxbaa iska bedelay?
J – anigu ma qabo in ay jirto saxaafad aanu cabudhinaa saxaafadana waligay baanu ladhaqmaynay saxaafadu waa ta joogta saxaafadu xaqbay uleedahay madax banaanideeda laakiin saxaafdu hadii ay cid meel kaga dhacdo oo iyadu danbi gasho cidaasi markay cidaasi dacweyso dee xaqbay uleedahay in cidaasi wixii ay ka tirsanayso ku eedeyso way ubanaantay laakiin saxaafad aanu anagu cabudhinaynaa ma jirto.
S – Madaxweyne dalalkaa aad tagteen waxa jira jaaliyado badan oo reer Somaliland oo ku dhaqan waxay jaaliyadahaasi udayacan yihiin nidaamka xukumada ku meelgaadhka ah waxaana dhici karta in ay xadgudyo badanina kaga yimaadaan markaa makala hadasheen madaxdii aaad la kulanteen ee dalalka?
J – Meelahaa aanu tagney bulshada reer Somaliland ee ku nooli si aad iyo aad bay noo soo dhaweeyeen waanan jeclaa in aan hadalkayga ku soo daro in aan halkan uga mahad naqo sida xamaasada ee wadaniyaduna ku dheehantay ee ay isoo dhweeyen arinta kale ee dhibaatooyinka haystana way noo sheegen dadkeenaasi wixii aanu kala hadli karaynayna ee khuseeyay dawladahaasina waanu kala hadalay
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com