Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay gacan bir ah ku qabato shaqsiyaad ay sheegeen inay yihiin qurba-jooga Awdal oo fadqalalo ka wada deegaanka Boorame, isla markaana waxay si kulul u naqdiyeen dhaqdhaqaaqyo Somaliland diid ah oo ay
wadaan shakhsiyaadka ay ku sheegeen qurbo jooga kasoo jeeda gobolka Awdal. Sidaa awgeed ayay yidhaahdeen, waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa inay tallaabo adag ka qaado cidii falal qaranimada wax u dhimaya sameysa, ama ku hawlan.
Sidaana waxa ka dhawaajiyay Afhayeenka xisbiga mucaaridka UCID Mr. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) oo maanta shir jar’aaid ku qabtay xarunta xisbigaa ee magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in shacbiga gobolka Awdal ay yihiin Somaliland oo mowqifkooda aanay bedeli karin shakhsiyaad qurbo joog ahi.
” Dadkan maalmahan wax sheeg sheegaya malaa maabkii ayaa ka khaldamay oo waxay moodayaan in Awdal ay ku taallo Soomaaliya, waxaan u sheegaynaa in reeer Awdal ay yihiin Somaliland. Waxaan u soo jeedinayaa shakhsiyaadka arrintaasi wadaa inay joojiyaan oo ay iska daayaan faro gelinta aan u meel marayn ee ay ku hayaan Somaliland,”ayuu yidhi Xasan Xuseen Codyare
Afhayeenka Xisbiga UCID waxa uu ku eedeeyay inay dhalinyarada qurbo jooga ah ee Awdal ay marin habaabinayaan laba nin oo walaalo ah oo ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland kuwaasi kala ah Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Axmed Ismaaciil Samatar.
“Waxaan u soo jeedinayaa labada nin ee walaalaha ah ee Cabdi Ismaaciil iyo Axmed Ismaaciil Samatar inay joojiyaan marin habaabinta dhalinyarada, waxaan leeyahay dalkiina soo waydiista cafis, labadan nin waxaan leeyahay joojiya farogelinta qaawan ee aad ku haysaan dalkiina. haddii aad Soomaaliya jeceshihiin iskaga shaqo taga,”ayuu yidhi Afhayeenku.
Afhayeenka waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay sharciga hor keento cidii wada abaabul ka dhan ah qaranimada Somaliland ee ku adeegsanaysa magaca gobilka Awdal.
Mr. Xasan Xuseen waxa uu sheegay in dadweynaha reer Awdal ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland, isla markaana ay martigeliyeen dawladii uu Hoggaaminayay Madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Ibraahim Cigaal. Sidaa awgeed aanay macquul ahayn inay shaqsiyaad dano gaar ah lihi maanta majara habaabiyaan shacbiga Boorrame ee Awdal.
By, Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com