Hargeysa(ANN)Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, ayaa  waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay  war kusoo baxay maanta  wargeyska Haatuf ee kasoo baxa magaalada hargeysa, kaas  oo wargeysku ku  sheegayay in taliska guud ee Booliska uu hadheeyay

 

Musuqmaasuq baahsan oo sababay in ciidamada Booliska ee gobolka Sool ay waayaan daryeelkii ay u baahnaayeen.
Gen. Cilmi oo maanta saxaafada la hadlay ayaa  sheegay in warkaasi ahaa mid  aanay waxba ka jirin oo uu been abuuray wargeysku, isagoo ku tilmaamay  wargeyska Haatuf  si kulul u eedeeyay, isla markaana ku sifeeyay  inuu caadaystay inuu faro geliyo oo uu been ka sheego ciidamadda Somaliland.
Gen. Cilmi Kabaal waxa uu soo dhaweeyay xukunkii shalay ay maxkamadda ciidamada ee darajada koowaad ku xukuntay 33 askari oo amar la’aan kaga soo baxay fadhiisimadoodii Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool,  kuwaas  oo soo galay magaalada Hargeysa oo hore looga bedelay. Wuxuuna  sheegay inay sameeyeen dhaqan ka baxsan asluubta ciidannimo.
Sidoo kale Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa oo ka hadlay shirkaa jaraa’id wuxuuna  ku dooday inay Hay’adda sharciga horgeynayaan dacwad ka dhan ah wargeyska Haatuf, isagoo  carabka ku adkeeyay  inay ka doonayaan inuu caddeeyo musuqmaasuqa ay sheegeen inuu ka jiro taliska guud ee Booliska Somaliland. Wuxuuna arrinataa ku tilmaamay mid ujeedo gaar ah laga leeyahay oo la doonayo in lagu dhaawaco sumcada iyo karaamada masuuliyiinta hogaanka ciidanka Booliska Somaliland
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *