Cukuse1Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mid dhiiran oo

 

aan cidna u hamranayn.
Wasiir Cuskuse oo maanta hadal ka jeediyay kulan lagu soo bandhigay macluumaad la xidhiidha mushkiladaha iyo caqabadaha hortaagan Saxaafada Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay tabashooyinka saxaafada Madaxabanaan iyo khilaafka inta badan soo kala dhexgala xukuumadda, wuxuuna meesha ka saaray in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo cadaadis iyo cabudhin ku hayso saxaafada iyo xoriyada madaxbanaanida.
“Waxaan mar hore idhi ereyada saxaafada qaarkeed adeegsato ee ah cabudhin iyo tacadiyo loo geysto saxaafada meesha ha laga saaro sababtoo ah waa kelmedo culus, waana kuwo aan ku haboonayn in la yidhaahdo way ka jiraan Somaliland, ereyadaasi waxay ka jiraan Afgaanistaan iyo meelaha la midka ah, balse halkan wax ka jirta saxaafad qalqaali ah.”
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa uu ka hadlay dhacdadii u danbaysay ee xukuumaddu albaabada ugu laabtay wargeyska Haatuf, wuxuuna ku tilmaamay arrintaa mid laga xumaado, isagoo yidhi, “Saxaafaddu waa qayb bulshada ka mid ah, annagu kiiskan Haatuf amma meherada Haatuf la yidhaa in la xidho uma faraxsani. Meherada Haatuf la yidhaahdaa 15 maalmood oo isku xiga, nin aan dalkaba u shaqayn, nin aan dalkaba ka shaqayn, nin xukuumada ah oo jooga oo bani’aadam ah subax walba inay la soo kalahdo oo ay maagto uun oo ay ku celceliso kuma faraxsani, masuuliyad iyo xil baa ina saran, Yuusuf Cabdi Gabboobe sidaanu isku nahay saw ma ogidin, saw inaannu saaxiib nahay ma ogidin, saaxiib qudha ma nihin ee waliba walaalaannu nahay, laakiin inuu Baashe iska maago kuma raacsani, Baashe ma dal buu u shaqeeya, waa muwaadin caadi ah oo xaq u leh inuu noolaado, xil uu hayaa ma jirto, iminka tan u dambaysay waxay Haatuf aaminsan tahay in Baashe loo xidhay, Cali Waran-cadde oo Wasiirka Daakhiliga ah iyo Wasiirrada xubnaha kale ah ee uu wargeysku magaayey ayaa dacwooday, xaqna way u leeyihiin, waayo saxaafaddu ma odhan karto, yaan nala ashkatayn oo yaan nala soo qabanin.”
Xukuumadda aan ka tirsanahay maaha mid Katiinado sidata oo xidha wargeysyada, ma tan Haatuf ha noqoto , ama ha tii Hubaal, waxaanu diraa Ergo saxaafada ah, marka kuwaasi jawaab nagu soo celiyaan ayaanu talaabo qaadnaa, halkan sharciga ayaa sareeya, meel aan sharcigu shaqaynayn saxaafad xor ahi kama jirayso. “ ayuu yidhi Cabdullaahi Cukuse.
Wuxuuna ku dooday in ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dad badan is weydiin karaan maxay uga dhiirantahay xukuumaddii ka horaysay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xukuumaddan dad badan ayaa is weydiin kara maxay uga dhiirantahay xukuumaddii hore, waxaan leeyahay way ka dhiirantahay sababtoo ah waa xukuumaddii ku dhiiratay wixii ay ku dhiiran waayeen xukuumaddii hore ee derejooyinka siisay ciidamada, markaa Askariga derejada la siiyay amar ayaa la siinayaa idinkuna inaad dhiidhiibsataan baa loo baahan yahay,” ayuu yidhi Cakuse oo warbaahintu u qaadatay hadalkiisa mid hanjabaad ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *