Gaboobe1Hargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale Xisbiga u taxaabay Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe oo dacwad loo haystay

 

dhegeysigeedu ka socday Maxkamadda gobolka Hargeysa, taas oo noqonay markii labaad ee tan iyo Bishii May ee sanadkan la xidho Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf.

Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftirihii Wargeyska Axmed Cali Cigge ayaa dhawaan Damiin lagu soo daayay, kadib markii xabsiga loo taxaabay dhamaadkii horaanrii May 2014, isla markaana Xabsiga Magaaladda Gabiley ay ku xidhnaayeen dhawr todobad, balse lasoo daayay maamlo ka hor.
Tifafatiraha Wargeyska Axmed Cali Cigge iyo Guddoomiyaha ayaa mar ay Warbaahinta la hadleen laba Todobaad ka hor waxay sheegeen in Dacwadda loo haysto aanay ka qayb-galayn ilaa ay helaan Maxkamadda Cadaaladda ah iyo in Dacwadoodda loo maro Xeerka Saxaafadda.
Wargeyska Haatuf ayaa ciidamada Boolisku xidheen xaruntiisa magaalada Hargeysa Bishii April ee sanadkan, kaas oo weli xayiran. Kadib markii uu baahiyay warar uu ku sheegay in Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale uu muddadii uu xilka hayay uu ku kacay fadeexaddo Musuq-maasuq iyo weliba Wiil Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay oo lagu magacaabo Baashe Cawil Xaaji Cumar sidoo kale dacwadaha lagu eedeeyay Wargeyska Haatuf wax aka mid ah kuwo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cede oo wargeysku wax ka qoray.
Dhinaca kale Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa canbaareeyay tallaabada la xidhay Yuusuf Gaboobe, wuxuuna ku tillmaamay mid aan sharcifga waafaqanayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *