Mogadishu(Araweelo News Network)Xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Gur-guurte) ee Somalia ayaa al-baabada u laabtay saaka laba Iddaacadood oo ka mid ahaa

 

kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee ka hawlgala Muqdisho.

Labada Iddaacadood oo kala ahaa Radio Shabeele iyo radio Sky, ayaa si madaxbanaan uga hawlgeli jirya magaalada Muqdisho, balse ciidamada dawlada ayaa si lama filaan ah ula wareegay xarumohooda saaka subaxnimadii hore waxyar ka dib markii ay weerareen Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM, degamada Wadajir oo dagaal ku dhexmaray malayshiyada Cumar Daaci oo fadhiisin ku lahayd halkaa.

Ciidmada ayaa sidoo kale xidhay saraakiisha maamula Iddaacadahaa qaarkood iyo weriyayasha ka hawlgeli jiray, kuwaas oo xabsiga loo dhaadhiciyay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Somalia oo magaciisa Maxamed Yuusuf, ayaa ku tilmaamay talaabada ay ciidamada amaanku ula wareegeen Iddaacadahaa in ay la xidhidho arrimaha aminaga caasimada, wuxuuna sheegay in warbixino khaldan ay ka gudbiyeen weerarka saaka ciidamada dawladu qaadeen eek u waajahnaa Cumar Daaci.

Sarkaalka u hadlay Wasaaradda Amniga Qaranka Somalia, wuxuu sheegay in Iddaacadahaasi xidhnaan doonaan ilaa amar danbe, isla markaana ay su’aalo weydiinayaan qaar ka mid ah weriyayaasha ka hawlagala oo xabsiga loo taxaabay.

Mogadishu
Somalia
Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *