HBiixiargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka qaybgalay  shir caalami ah oo todobaadkan  lagu qabtay magaalada

 

xarunta dalka Ethiopia ee Addis ababa.

Shirkaa oo ahaa mid dhawrkii sanadoodba mar la waxaa soo qaban qaabiyay  ururka loo yaqaano Moh Ibraahim Foundation oo loogu magacdaray maalqabeenka u dhashay dalka Suudaan, iyadoo shirka oo dhawrkii sanandoodba mar la qabto lagu qoondeeyo maamuuska lacag gaadhaysa 5 milyan oo dollar, taas oo lagu gudoonsiiyo Hogaamiyayasha soo mara dawladaha Afrika ee xukunka sida dimuqraadiga ah ku wareejiya.

Hogaamiyayaasha sanadkan lagu casuumay shirkaa waxa  ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Mozambique iyo kuwo kale, waxaana shirkaa furay raysal wasaaraha dalka Ethiopia  Hailey Maryann Dishelm, iyadoo ay ka qaybgaleen madax badan oo aduunka kala socday, kuwaasi oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee ururka Midawga Afrika John Being.

Wasiirka arrimaha debadda iyo iskaashiga caalamiga ah  ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo safiirka Somaliand u fadhiya magaalada Addis ababa Aadan Nuux Dhuule ayaa ka qaybgalay shirkaa.
Shirka ayaa wararka qaar sheegayaan in lagaga wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan qadiyadaha mandaqada afrika, waxaana arrimaha lagu soo qaaday ka mid ah wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo sidoo kale xaaladaha siyaasadeed eek a taagan dhawr dal oo afrikaan ah.

Shirkani oo ahaa mid si toos ah caalamka looga daawanayay, iyadoo si toos ah looga baahinayay telefishanka BBC-da. Sidoo kale waxa lagaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha dhinacyada dimuqraadiyada iyo amaanka dalalka Afrika, waxaana diirada si gaar ah loogu saaray heerka ay ka taagan yihiin amaanka iyo dimuqraadiyadda, waxaana la sheegay in madaxdii shirkaasi ka soo qaybgashay  ay qiimayn ku sameeyeen wadamada ugu horeeya ee ay madaxweyneyaashoodu si dimuqraadi ah xukunka u wareejiyeen.

Sidoo kale sida ay sheegayaan wararku shirka sanadkan ayaa markii u horaysay lagu soo bandhigay doodo ku saabsan dhinaca amaanka iyo dimuqraadiyadda labada wadan Mureshas iyo Seychelles halka ay dawlada Soomaaliyana noqotay ta ugu hoosaysa dawladaha Afrika ee dhinacyada amaanka, xuquuqda Aadanaha iyo labaatan sano oo ay dawlad la’aan ahayd oo ay colaado iyo dagaalo wejiyo badani ka taagnaayeen isla markaana ay aafeeyeen dhinacyada adeegyada bulshada dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhamaan nolosha bulshada.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *