Safaarada Turkiga1Muqdisho(Araweelo News Network)Dhismaha Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa weerar lagu qaaday xalay, waxaana weerarkaa ku dhaawacmay Saraakiil ka tirsan Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo

 

laga wado dhismeheeda degmada Cabdicasiis, kuwaas oo laba ka mid ah ay ahaayeen Injineerada Turkiga ee ku sugan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Labada nin ee ku dhaawacmay weerarkaa ayaa sida ay sheegayaan wararka qaar qayb ka ahaa Injineerada Turkiga ee Dhismaha ka wada Safaarada cusub ee Turkiga.
Weerarka ayaa dhacay habeenimadii xalay kadib markii Gantaal aan la aqoonsan cidda soo riday lagu dhuftay Dhismaha Safaarada, kaas oo aan la garanayn goobta laga soo tuuray, laakiin Ciidan Booliska ka tirsan oo xalay goobtaasi gaadhay ayaa weerarkaa u soo qabtay tiro ka tirsan Ciidamada Militariga ee Dowladda, kuwaas oo aaggaasi ka ag-dhawaa, isla markaana loo tuhmay weerarka, balse waxa la sii daayay markaa ka dib.
Magacyada Injineerada ku dhaawacmay weerarka ayaa lagu kala sheegay magacyadooda Mukhtaar iyo Najiib, iyadoo dhaawacyadoodu lagu sheegay mid aan halis ahayn, waxaana loola cararay Cusbitaalka Muqdisho oo lagu dawaynayo.

Hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in dhaawacyada labadan nin loo qaado Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *