Geneva(Araweelo News Network)Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtey in todobaadkan ay xeebaha Yemen ku dhinteen 62 qof ka dib markii
ay degtey doonidii ay la socdeen.
Dadka saarnaa doonidan ayaa la sheegey in ay ka kala yimaadeen dalalka Somalia iyo Ethiopia, kuwaas oo ay weheliyaan laba shaqaale oo reer Yemen ah, waxaana ay doonidoodii ku degtey Badda Cas Sabtidii la soo dhaafey.
UNHCR waxa ay tacsi u dirty qoysaskii ay dadkani ka geeriyoodeen waxaana ay sheegtey in ay tani tahay tiradii ugu badneyd ee mar qudha badda ku dhimata tan iyo Sanadkan, taas dhimashada guud ee sanadkan ka dhigeysa 121 qof.
UNHCR waxa ay diiwaan galisey afartii bilood ee sanadkan ugu horeysey 16,000 oo qaxooti iyo socota ah, kuwaas oo ay sheegtay in ay gaadheen xeebaha Yemen, tiradan ayaa si weyn uga yar tii sanadkii hore oo ahayd 35,000 oo qof afartii bilood ee ugu horeysey.
UNHCR waxa ay masuuliyiiinta gobolka ugu baaqday in ay sameeyaan hanaan samatabixin deg deg ah iyo waliba in diiwaan galin iyo aqoonsi qaxootinimo la siiyo dadka ka soo badbaada safarka ay dhibaatada badan ee dhinaca Badda, kuwaas oo gala dalka Yemen.