indhagudhan1Garoowe(Araweelo News Network) Maamul goboleedka Somalia ee xaruntiisu tahay Garoowe ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay booqashada Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo

 

wefdigiisu magaalada Xeebta Bariga Somaliland ee Laasqoray oo kulaalay xadka dhinaca xeebaha bari ee ay wadagaan Somaliland iyo Somalia.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdiweli (indha gudhan) oo saxaafada kula hadlay maanta Garoowe ayaa sheegay in ay ku jaah wareereen safarka Madaxweynaha Somaliland oo uu ku noqday filanwaa markii ay maqleen inuu joogo magaalada Laasqoray ee duleedka Boosaaso.
Waxa uu sheegay in ay aad uga xumaadeen booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Laasqoray, isla markaana ay u rakaan tallaabo daandaansi ah, wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay difaacaan xuduudohooda, isagoo sheegay in ay ka digayaan isku dhac Somaliland iyo Puntland oo ka dhasha waxa uu ugu yeedhay daandaansi.
Maamul goboleedka Puntland ayaa marar badan hore u sheegay in ay doonayaan xuduudo qabiil iyo isir ku salaysan, taas oo keentay in ay sheegtaan deegaamo ka tirsan Somaliland oo dhinaca bari ah, balse waxa arrimahaa si weyn uga hortimi Somaliland ku tilmaantay arrimaha noocaa ah kuwo abuuraya colaado, isla markaana meesha ka saaraya xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsanyahay. Sidaa awgeed aan loo baahnayn xuduudo isir iyo qabiil ku dhisan in laga sameeyo halkaa.
Booqashada sida weyn uga cadhaysiisay maamulka Puntland ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku tegey saaka Magaalada qadiimka ah ee Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag, isla markaana kulaalay xadka ay Somaliland la wadaagto Puntland ayaa ah booqashadii u horaysay tan iyo intii ay Somaliland lasoo noqotay Madaxbanaanideeda uu Madaxweyne Somaliland ka socdaa ku taago booqasho xeebta Laasqoray, waxayna tallaabada Madaxweyne Siilaanyo si weyn wax uga bedeshay sheegadha beenta ah ee maamul goboleeka puntland sheeganayeen deegaankaa.
Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Laasqoray kadib markii uu saaka ku waaberiistay ayaa la hadlay dadweynaha Laasqoray, wuxuuna balanqaaday mashaariic dhinaca horumarka ah iyo adeegyada aasaasiga ah in ay xukuumaddiisu ka qabanay deegaanka, isagoo dhagax dhigay Dekedda qadiimka ah ee Laasqoray, Wershed kaluunka ah iyo wadada isku xidha Ceergaabo iyo Laasqoray.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu dhagax dhigay Goobo dhismayaal adeegyada bulshada ah sida Caafimaadka, dib u habayn lagu samaynayo xafiisyada Haya’ddaha dawlada sida saldhiga Booliska iyo goobo kale oo uu sheegay in mudo bil gudeheed ah ay ku dhamaynayaan dhismayaashooda, wuxuuna maanta gelinkii danbe kusoo laabtay dhinaca magalooyinka Xiis iyo Maydh oo Madaxweynaha iyo wefdigiisu u hoydeen xalay, isagoo galabka u gudbay dhinaca magaalada Ceergaabo oo si weyn loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo oo ka bilaabmay galbeedka Somaliland ayaa isaga talaabay xeebaha galbeedka ee Saylac ilaa Laasqoray, kaas oo qaatay dhawr maalmood, wuxuuna ahaa socdaal si weyn bulshada Somaliland usoo dhowaysay oo taariikhi ah.
info@araweelonewss.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *