Faallo: Carraale M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights activist.

Axmed Cabdi Xaabsade  oo ahaa siyaasi kasoo jeeda deegaanka Sool, ayaa todobaadkii hore ka degey Garoowe oo xarun u ah Maamul goboleedka Somalia ee Puntland.  Xabsade oo

 

xiligii xukuumadii  Marxuum Cigaal noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, balse 1997-kii ayuu sidan oo kale ugu goostay dhinaca Majeerteeniya, waxayna waqtigaa  isaga iyo Garaad Cabdiqani qayb ka noqdeen aasaaskii Puntland dabayaaqadii sagashanaadkii.

Balse Madaxweynihii  Puntland Cade Muuse oo xil u dhiibay ayaa shaqada ka ereyay, wuxuuna toban sanadood ka dib 2007,  kusoo laabtay Somaliland, isagoo isu soo dhiibay xukuumaddii xiligaa ee Daahir Rayaale, taas oo aan wax xil ah u dhiibin.

Xaabsade wuxuu waqtigaa balanqaaday in aanu dib ugu laabanayn Puntland, waxaana loo sameeyay  soo dhowayn iyo dib u dejin. Laakiin marka laga yimaado dhaqaale badan oo la siiyay iyo mid caafimaad oo debeda ah, waxa  lagu wareejiyay guri Villa ah oo dhawr boqol oo talaabo u jira Madaxtooyada Somaliland,  kaas oo mudo yar ka dib uu ka iibiyay mid ka mid ah ganacsatada Somaliland.

Xaabsade wuxuu mudadaa isaga oo aan xil hayn ka waday Somaliland qorshayaal  la doonayay in ay sii huriyaan xiisadii doorashada ee waqtigaa taagnayd iyo murankii u dhexeeyay mucaaradkii Kulmiye iyo xukuukamdii UDUB ee Madaxweynihii hore Daahir Rayale, wuuxuna  sameeyay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo qarsoon  oo inta badan dhinaca gobolka Awdal ku jihaysnaa, isagoo shirar hoose oo aan la ogayn la yeeshay kooxo Odayaal iyo shaqsiyaad  ku sugnaa xarunta gobolka Awdal ee Boorama, wuxuuna socdaaliisa ku beegay xili ay deegaanka Boorama iyo Gebilay dhexdooda ka taagnayd xiisad  aan ujeedada la fahmin oo ka dhalatay dad shacab ah oo sii xun loogu laayay wadada isku xidha Boorama iyo Gebilay, kuwaas oo xukuumaddii xiligaa ku guuldaraysatay in dadkii fuliyay sharciga hor keento, isla markaana u muuqday qorshayaal siyaasadeed oo la doonayay in lagu wiiqo deganaanshaha iyo xasiloonida Somaliland oo colaad lagaga dhex abuuro  dadka walaalaha ah ee deegaanka.

Xaabsade umma muuqan marnaba mid ku calalool fayaw joogitaankiisa Somaliland, waxayna isaga iyo shaqsiyaad kale maleegayeen shirqoolo ka dhan ah Somaliland, waana sababta uu booqashooyinka qarsoodiga ah iyo kulamada ugu galaa baxayay Boorama, isagoo aan qayb ka ahayn Odayaashii iyo waxgaradkii doonayay in ay damiyaan xiisada colaadeed ee ka taagnayd deegaankaa.

Kulamada uu waqtigaa  la yeeshay shaqsiyaad ku sugan Boorame iyo xidhiidho uu la sameeyay qaar ka mid ah quraba-jooga kasoo jeeda Awdal ee xiligaa abaabulayay riyadii Awdal State, ayaa ahaa kuwo khatar ku ah qaranimada Somaliland, balse qorshayaal badan oo u qarsoonaa iyo ujeedooyinkii siyaasadeed ee uu watay waxay dhicisoobeen intooda badan markii heshiish laga gaadhay qabashada doorashada Madaxtooyadda Somaliland.

waqtigii ay xiisada doorashadu taagnayd , waxa jiray astaamo muujinayay in joogitankiisa Somaliland ee Hargeysa aanu ahayn mid uu ku niyad sanyahay, waxaana la rumaysan yahay inuu ka mid ahaa shaqsiyaad kooban oo talooyin guracan siinayay xiligaa Madaxweyne Daahir Rayaale, kuwaas oo ku dhiiri gelinayay in aanu wax doorasho ah qaban, isla markaana ujeedooyin kala duwan ka lahaa talooyinkaa, waana sababta keenatay inuu dalka ka baxo  markii uu iibiyay gurigaa, balse markii Madaxweyne Daahir Rayaale cadeeyay in beesha caalamku ku khasbayso in doorasho la qabto, isla markaana ay xukumaddiisu diyaar u tahay, waxa meesha ka baxay qorshayaal siyaasadeed oo badan, kuwaas oo isugu jiray shirqoolo siyaasadeed iyo dilal qorshaysan oo ka dhacayay gobolka Sool iyo  siyaasado la doonayay in lagu manja-xaabiyo Somaliland.

In kasta oo dilalka qorshaysan ee ka dhacayay Sool oo ahaa kuwo lagu bartilmaameedsanayo madaxda Hay’addaha dawlada iyo saraakiisha ciidanka ay sii socdeen muddo markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay, kuwaas oo marar badan lagu eeddeeyay Xildhibaan Dhakool  oo gacan-yare u noqday Xaabsade oo ay xiliyadaa hal qof isku ahayeen, laakiin Dhakool ayaa ka baxay dalka mudo yar ka dib markii ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay talada. Kadib markii ay sii xoogaysteen sababihii loola xidhiidhinayay dilalka qorshaysan ee Sool, kuwaas oo sababay in si cad warbaahinta loogu mariyo eeddaha lagula xidhiidhiyay shorqoolada iyo dilalka,  laakiin mudo ka dib ayuu kusoo laabtay dalka xiligii uu Wasiirka Arrimaha gudaha ahaa Maxamer Nuur Caraale (Duur),  waqtigaa oo Boolisku doonayeen in ay ka qabtaan Madaarka Hargeysa, balse waxa arrintaa hor istaagay Wasiirkii Arrimaha gudaha ee xiligaa oo qayb ka ahaa awaamiir dhinaca Madaxtooyada Somaliland laga faray.

Oday Xaabsade oo ay qaraabo dhow yihiin Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu dalka kusoo laabtay markii ay dhacday doorashadii ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay talada, wuxuuna ka mid noqday golaha wasiiiradda ee dhismihii xukuumadii u horaysay, balse mudo kooban ayuu hayay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaana mudo ka dib loo bedelay wasiirka Hawlaha guud , iyadoo markii laga qaaday xilkaa ka dib loo magcaabay La Taliyaha Madaxweynaha oo ahaa xilka uu waqtigan hayay.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxay markii ay xilka la wareegtay isku dayday in ay dadka deegaanka Sool u kuujiso dedaal iyo debecsanaan iyo la gadhsiiyo maamulka deegaamadaa, taas oo ay barar socotay siyaasadii la doonayayn in lagu soo xero geliyo kooxda  markii ay xuumada Siilaanyo timi xoogaystay ee Khaatumo.

Oday Xaabsade iyo xubno kale oo isgu jira Xildhibaano iyo la taliyayaal waxa loo diray gobolka Sool, waxaana  loo dhiibay gaadiid iyo lacag malaayiin kun oo lacagta Somaliland ee noodhka 1000sh.Sl, taas oo daabacadii u horaysay ahayd ee lacagtaa, waxaana gacanta laga saaray dhawr gaadhi oo shixnad lacagtaas ah Xaabsade iyo xubnihii la socday si dadka deegaanka Sool ay ugu dejiyaan, iyadoo qorshuhu ahaa inay la kulmaan Odayaasha, waxgaradka, Dhalinyarada, Haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada., balse habdhaqankii xiligaa uu Xaabsade sameeyay iyo qaabkii uu u waajahay dadka deegaanka waxay noqdeen kuwo  sii fogeeya, waxaana duleedka Xudun lagaga  koox malayshiyo ah oo lagu tilmaamay in ay la socdaan maamulka Puntland kula wareegeen gaadiidkii loo dhiibay, isagoo lacagtii malaayinka ahayd ee loo dhiibay dib ugula soo laabtay Hargeya, taas oo uu meelaystay, mana jirin cid kala xisaabtantay dhacdadaa iyo khiyaamadaa uu ku sameeyay qaranka.

Mudadii uu Xaabsade ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, wuxuu boob cad ku caseeyay dhulka danta guud ee dawlada Dhexe maamusho. Mudo ka dib markii loo magcaabay  La Taliyaha Madaxweynaha Somliland ee laga wareejiyay Wasaaradda Hawlaha Guud, wuxuu sii watay siyaasadiisa u gaarka ahayd iyo boobka dhulka danta guud,  isagoo waraaqo dhul dan guud ah saxeeyay ilaa maalintii uu dalka ka baxayay ee horaantii August 2014.

In kasta oo Xaabsade ahaa nin weyn oo miisaan lahaa xiliyada qaar, kana mid ahaa dadkii qaranimada Somaliland iyo  nidaamka dawliga ah wax ka yagleelay, ma muuqan sabab xil loogu aamino, waana ta leentay  in aanay dawladii Daahir Rayaale waxba u diran, iyadoo ku go’aan qaadatay macluumaadkii iyo warbixintii dhinaca sirdoonka ee lagula xidhiidhiyay ilaa dhacdooyinkii dilalka qorshaysan ee ka socday Sool.

Laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo ay qaraabo dhow yihiin Xaabsade, wuxuu ku aaminay xilal aanu u qalmin iyo sidoo kale inuu gacanta u geliyo  qorshayaal iyo siyaasado ku waajahnaa gobolka Sool, balse Xaabsade wuxuu watay qorshayaal  iyo siyaasado ku lid ah Somaliland, waxayna arrintani wejigabax ku tahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ahayd in sirdoonkeedu la socdo ujeedooyinkii qarsoonaa iyo qorshayaashii uu fulinayay Oday Xaabsade iyo aanu istaahilin in xil qaran loo dhiibo, balse waxa taa bedelkeeda  ay ahayd in iyadoo la ogyahay inuu yahay cadawga Somaliland lasoo dhoweeyo  oo lagu ixtiraamo halkiisa. Sidaa awgeed gelitaanka waqtigan Xaabsade ee Puntland maaha mid waxyeelo u keeni karta qaranimada Somaliland.
Hase yeeshe Fu’aad Aadan Cadde oo ah siyaasi iyo Oday Mujaahid ah oo kasoo qayb qaatay halgankii dib u xoraynta Dalka, isla markaana kasoo jeeda qoys muxtarim ah oo ka mid ah qoysaskii hormoodka u ahaa dadka deeganka Nugaal oo si weyn looga yaqaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Togdheer, wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta tirada yar ee u dhashay deegaaka Sool  ee laabta usii daayay qadiyada madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland.

Oday Fu’aad Aadan Cadde  oo xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii hore, waxay dad badan xusuusan yihiin iyadoo aan ciidanka Somaliland gaadhin Laascaanood inuu ahaa siyaasiga keliya ee Puntland kula dagaalamayay, isagoo guluf siyaasadeed ku qaaday xiligaa magalaada Laascaanood oo dhinaca kale kasoo jeedeen Xaabsade iyo Axmed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, balse Fu’aad markii uu gacan siyaasadeed iyo taageero ka waayay xukuumaddi xiligaa ee Daahir Rayaale waxa khasab noqotay inuu kasoo baxo Laascaanood,  laakiin waxay riyadiisii dhab noqotay 2007, oo ay  ciidamada Somaliland galaan magaalada Laascaanood afar sandood ka dib oo ay kun sugnaayeen deegaamada duleedka Laascaanood.

Fu’aad  mudadii uu wasiirka deegaanka u ahaa xukuumadii Daahir Rayaale, wuxuu marar badan ka cawday xilka wasaaradda loo magcaabay oo aad uga muuqaal liidatay sida ay maanta tahay wasaaradda Deegaanku iyo ahmiyada ay siisay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, balse is faham la’aantaa u dhaxaysay Fu’aad Aadan Cade iyo Xukuumaddii Daahir Rayaale oo ay qayb ka ahayd siyaasadii ku waajahnayd gobolka Sool iyo muran ka dhashay kumanaan geed oo nooca loo yaqaan kulanka oo laga jaray duleedka dekadda Berbera ayaa keentay in xilka laga qaado. Kadib markii uu hor istaagay arrintaa.

Oday Fu’aad Adaan Cade, waxa la filayay in markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay July 2010, iyadoo la eegayo waxbadan  mansab munaasab ku ah loo dhiibo, ama lagu ixtiraamo halkiisa xilka magac u yaalka ah ee uu ku magcaaban yahay, balse waxa masiiddaro ah in maanta 23 sanadood oo marxalado adag uu Oday Fu’aad Aadan  Cade ugu soo samrayay Somaliland maanta ka cadhoodo siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo dadka xusuusinay  sugaantii Illaah ha u naxariistee  Gabyaagii weynaa ee Qaasim ee lahaa, “Markii Tallada Habar Saar-qabta Iyo Sebiyo Loo Dhiibay Ayay Sayncaadaale iyo Nin Raggi Sibiq-dhaqaaqeene”

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo waa inuu fahmaa xagal-daaca siyaasadiisa ku waajahan gobolada Bariga ay ku keeni karaan talaabooyinka  guracan iyo go’aamada dadka didinaya ee loo nisbayanayo madaxtooyada uu fadhiyo, kuwaas oo ay taageero ka hali karaan kooxaha nabad-diidka ah ee Cali Khaliif Galaydh iyo cadawga Somaliland, isla markaana wiiqi karta wada-jirka iyo qaranimada Somalialnd. Sidaa awgeed waxa lama huraan ah in Madaxweyne Siilaanyo qaado talaabooyin cad oo ku waajahan siyaasadaha kala daadinaya  midnimada iyo wada-jirka qaranka.

Faallo: Carraale M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights activist .

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *