Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay saaka subaxnimadii hore magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.
Madaxweyne Siilaanyo oo safarkiisa aan hore loo shaacin ayaa la kulmay soo dhowayn la yaab leh, iyadoo boqolaal qof isugu soo baxay wadooyinka magaalada,kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, isla markaana ku dhawaaqayay ereyo ay dareenkooda ugu muujinayaan Madaxweyna iyo wefdigiisa, wuxuuna Madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgelayay Magaalada Boorama.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya inujeedada safarka Madaxweyne Siilaanyo la xidhiidho sidii uu u dhagax dhigi lahaa wado laami ah oo isku xidha Saylac iyo Boorama.
Wararka safarka Madaxweynaha halkan kala soco.
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1