Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golohiisa wasiiradda, ayaa maanta ka duulay dhabaha Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedada safarkiisa, waxa uu sheegay in shirka London oo lagu martiqaaday uu yahay mid ahmiyad weyn u leh Somaliland.
Halkan Ka Dhegeyso madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya Arrimahaa iyo suʻaalo laga weydiiyay arrimo kala duwan
Riix Halkan