qudbiga sheekh isxaaqXiis/Maydh(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayo oo saaka ka boqoolay magaalada Berbera si ay usii wataan

 

safarkooda ku waajahan xarunta Gobolka Sanaag ee Maagalada Ceergaabo ayaa gaadhay xeebaha qadiimka ah ee Maydh iyo Xiis.
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha safarka Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa mid uu dhinaca xeebta dheer ku maray, isla markaana deegaamada dhinaca Bari kaga xigga xeebta Berbera si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo Madaxweynuhu amar ku bixiyay in raashin caawimo ah la gaadhsiiyo dadka xeebaha dhinaca Bariga Berbera oo xaalad nololeed oo xun ku jiray.
Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo oo sii watay safarkooda ayaa gaadhay caawa xeebaha qadiimka ah ee Xiis iyo Maydh, wuxuuna Madaxweynuhu caawa u hoyday Qudbiga Sheekh Isxaaq oo uu ku aasan yahay awoowgii ay ka farcameen, ama ay kasoo jeedaan inta badan Bulshada Somaliland, iyadoo guud ahaanba gobolka Sanaag ay ku aasan yihiin awaawayaashii ay kasoo farcameen bulshada Somaliland, isla markaana gobolkaasi yahay mid aataar ah oo ay ku xardhan yihiin taariikhda qadiimka ah iyo aataarta awoowayaashi hore.
xeebta xiis iyo maydhMadaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maalinta beri u boqoolo dhinaca magaalada Ceergaabo, halkaas oo Madaxweynaha iyo wefdigiisa si weyn looga sugayo, isla markaana ay maalmahanba ka socdeen abaabulo la doonayo in lagu soo dhoweeyo, iyadoo dadka gobolka sanaag safarkan Madaxweyne Siilaanyo u yahay firsad ay si weyn u sugayeen maadaama uu bilawga dhismaha wadada Ceergaabo iyo Burco oo qalabkii iyo gaadiidkii xukuumaddu dhismeheeda usoo iibisay gaadhay halkaa, taas oo Madaxweynuhu ku dhawaaqayo bilawgeeda.
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *