Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan dhawr saacadood qaatay xafiiskiisa kula yeeshay masuuliyiinta Ha’yaddaha gaarka ah ee qaranka. Kulankaa oo ahaa
kii ugu horeeyay ee noociisa madaxweynuhu la yeesho masuuliyiinta madaxda ka ah Ha’ayaddahaa ayaa ahaa mid aanay saxaafadu goob joog ka ahayn.
Hase yeeshee kulnkaa ka dib qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ujeedada kulanku ahaa mid Madaxweyne Axmed Siilaanyo warbixin la xidhiidha hawlaha masuuliyiinta madaxda ka ah xafiisyadaasi ka bixinayeen shaqadooda, qorshayaashooda iyo wixii caqabada ah ee ka horyimi musuul walba mudadii uu xilka hayay.
Qoraalka kasoo baxay qasriga madaxtooyadda kulankaa ka dib, wuxuu u qornaa sidan; “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , Waxa uu maanta kulan Saacaddo Qaatay Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda kulankan ka soo qayb gashay kaga Dhegaystay Warbiximo ay ka bixiyeen Hay’adaha ay Madaxda ka yihiin, iyada oo masuul walba uu warbixintiisa si Tafatiran ugu soo Bandhigay Hawsha iyo xilka ay Qaranka u hayso Hay’ada uu Madaxda ka yahay, xaalada ay Hay’adu ku sugantahay, Caqabadaha Horyaala iyo Kuwa ay Furdaamiyeen iyo weliba Qorshaha ay Hay’adu fulindoonto Mudada Dhaw iyo kuwa ay Damacsan tahay inay Mustaqbalka fulinayso.
Madaxweynaha JSL ayaa Madaxda kulanka ka soo qayb gashay ka Dhegaystay Warbixintaasi waxaanu masuuliyiintaa ku amaanay Sida ay ugu Diyaarsanyihiin Hawsha ay u xilsaaran yihiin, waxaanu kula dardaarmay in ay Warbiximahan Tafatiran ee ay u soo jeediyeen ka Dhabeeyaan oo ay Ficil u bedelaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintan u sheegay in ay yihiin Baalasha uu ka sugaayo in ay ka Dhabeeyaan isbedelka ay umadu ka sugayso Xukuumada.
Ugu Danbayna waxa uu Madaxweynuhu Maddaxda Hya’adaha Madax banaan ee kulanka ka soo qayb gashay ku wargeliyey inuu Bilkasta Laba Goor kulankan oo kale layeelandoono iyaguna waxay uga mahadnaqeen Madaxweynaha in aanay Fursadan oo kale hore u helin isla markaana waxay u balan qaadeen in ay Fulindoonaan Dardaarankiisa kana Dhabayn doonaan Maamul wanaaga uu ka rajaynaayo Madaxweynuhu.
Madaxda Hay’adaha uu madaxweynuhu Shirkan la qaatay waxay kala ahaayeen sidan:-
No Name Title State Agency
1 Axmed Mohamed Madar Gudomiye NIC
2 Cali Siciid Maareeye Madbacadda Qaranka
3 Siciid Saleebaan Mire Gudoomiye SQCC
4 Ibraahim Aadan Xisaabiye Guud Xisaabaadka Guud
5 Xasan Cismaan Aadan Maareeye Hay’adda Korontada
6 Xasan Aw Aadan Cabdi Gudoomiye H/Dib u habaynta
7 Aamina Cabdillaahi Axmed Gudoomiye Xuquuqda Iisaanka
8 Aamina Maxamuud Diiriye Maareeye Samafalka Madaxtoyada
9 Ibraahim Siyad Yoonis Maareeye W/Biyaha Hargeysa
10 Cali Cabdillaahi Daahir Gudoomiye ICT Commission
11 Cabdi Dirir Cabdi Gudoomiye Centeral Bank
12 Aadan Cabdillaahi Xasan Gudoomiye G.G.Qandaraasyadda Qaranka
13 Jamaal Caydiid Ibraahim Maareeye NDC
14 Cabdi waaxid Cabdiqaadir Maareeye SRA
15 Muxumed Aw Cabdi Gudoomiye Hay’adda Shaqalaha
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380