madaxweyne silanyo ceergaabo1Ceergaabo(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayo oo safar isaga gudbay xeebaha galbeedka iyo bariga Somaliland ayaa

 

maanta Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ku daafuray munaasibad balaadhan oo si weyn loo abaabulay dhismaha wadada Ceergaabo iyo Burco ee Madaxweyne Siilaanyo hore u dhagaxdhigay.
ceergaabo2Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha Magaalada Ceergaabo ayaa ka qaybgalay munnaasibada Madaxweyne Siilaanyo ku daahfuray bilawga dhismaha jidkaa oo lagu qabtay maanta magaalada Ceergaabo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu amaanay dadka reer Sanaag oo uu uga mahad celiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dalkooda wax ka qabsaan, wuxuuna xusay in ay xukuumad ahaan ka go’antahay in gamcaha laysu qabsado dib u dhiska dalka.
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo ka hadlay madashaa ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay in dadka gobolka Sanaag iyagoo isku duuban ay muujiyeen in ay is garab taagaan dedaalka Madaxweynahooda oo uu xusay in wadada Ceergaabo ka mid ahayd waxyaabihii uu balanqaaday doorashadii, maantana bilawgeedii loo taagan yahay munaasibadaa.
Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in markii Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay wadada ay dadka qaar u arkayeen riyo, balse ay maanta arkayaan halka ay wax marayaan insha allaah dhowaana la araki doono iyadoo dhamaatay oo lagu socdo. Sidaa awgeed waxa uu sheegay in wax walba la qaban karo, isla markaana ay tani astaan u tahay himilooyinka Madaxweyne Siilaanyo.
ceergaabo3Munaasibadaa waxa kale oo ka hadlay masuuliyiin iyo Odayaal ka mid ah kuwa deegaanka oo dhamaantood ka hadlay dedaalka dhabta ah ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sida loogu baahan yahay in iyadoo gamacaha lays haysto loo dhaqaaqo horumarka iyo dib u dhiska dalka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu magaalada Ceergaabo kasoo anbabaxo saacadaha soo socda iyadoo aan la ogayn halka uu safarkiisa u jihaynayo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *