Hargeysa(Araweelo News Network) Kulan loo balansanaa in ay maanta isugu yimaadaan Axsaabta Mucaardka Somaliland iyo Xukuumadda Madaxweyne oo

 

la filayay in xal loogu helo muranka Diiwaangelinta medeniga ah ayaa dhicisoobay, kadib markii Xukuumaddu ku badhi furtay in mucaaradka oo hore u qaadacay diiwaangelinta lagu qanciyo in ay aqbalaan.

Labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, ayaa shalay sheegay in kulamo xukuumadda u socday oo lagaga hadlay sidii xal loogu heli lahaa muranka  iyo khilaafka ka taagan labada diiwanagelinood ee madaniga iyo codbixiyeyaasha doorashooyinka oo xukuumaddu hal meel isugu gaysan, isla markaana xeer ka hadlaya arrintaa loo gudbiyay Golaha Wakiiladda Somaliland.

Hase yeeshee kulankaa oo Xisbul Xaakimka Kulmiye iyo Xukuumaddiisu kala qaybgeli lahaayeen Axsaabta Mucaaradka, ayaa gebi ahaanba dhicisoobay. Kadib markii xukuumaddu ka baxday balantii kulanka la doonayay in xal loogu helo muranka diwaangelinta sida ay sheegeen Labada Xisbi Mucaarad ee WADANI iyo UCID, oo galabta saxaafadda kula hadlay Huteelka Amassador ee Magaalada Hargeysa, waxayna xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyeen canbaarayn kulul, iyagoo ku eeddeeyay in doonayso in ay keligeed meel marsato diiwaangelinta, isla markaana la doonayo sida ay sheegeen in cimri dherer muddo kordhin laga dhigto, balse waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in aanay aqbalayn marnaba arrintaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *