putin iyo agaloBrazil (Araweelo News Network)Hogaamiyayaal caalami ah oo doonaya in ay ka qaybgalaan ciyaarta kama danbaynta ah ee ay isku waajahayaan dalalka Argentin iyo Germany oo

 

lagu wado in ay July 13 ka dhacdo  garoonka magaca dheer leh ee Maracana oo ku yaal caasimada Rio De Jenero.
Sagaal hogaamiyayaal oo ay ka  mid yihiin haweeneeyda Jermalka Angela Merkel iyo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, ayaa ka mid ah madaxda ka qaybgelay daawashada ciyaartaa oo si weyn loo sugayo, isla markaana xiiseheeda iyo xamaasadeeda wadatad.
Madaxweynaha dalka Barazil Dilma Rousseff oo dalkiisa marti geliyay Ciyaaraha koobka Aduunka ee 2014, balse aanu nasiib u yeelan inay wareega u danbeeya usoo gudbaan ciyaartoyda Brazil , ayaa qaablaya madaxda kasoo qaybgelay gebegebada koobka aduunka oo 24 sanadood ka dib ay isugu yimaadaan qaybtii Garmalka Galbeed ee waqtigaa iyo Argentin, waxaana xiligaa koobka qaatay Jaramalkii Galbeed.

Tirada dadka ku daawanaya ciyaartan kama danbeysta ah ee doonaya in ay galaan gudaha garoonka ayaa lagu qiyaasay in ay aad uga badantahay tiradii markii hore ee ciyaaruhu socdeen daawanaysay, waxaana la filayaa in ay dalka Aegentin oo keliya ay ka yimaadaan 70 kun oo qof oo ka mid ah taageerayaashooda, kuwaas oo aanay ku jirin dadkii hore usii joogay ee Ciyaarihii hore daawanayay, isla maraakana doonaya in ay daawadaan ciyaarta maalinta beri.

Dawlada Brazil oo indhaha ku haysa arrimaha amaanka ee koobka aduunka, waxay ku kordhisay ciidamada amaanka ee hore u ilaalinayay garoomada ciyaaraha in ka badan 25-kun oo ka tirsan laamaha amaanka, kuwaas  oo durba lasoo dhoobay magaalada Rio dejenero.

Ciidamada lagu xoojiyay goobta Ciyaarta ugu danbaysa ka dhacayso, waxay masuulyiinta amaanka Brazil ku tilmaameen kuwo isugu jira dabdamiska, Booliska sida Milatariga u tababaran iyo ciidamo kale oo hubeysan, isla markaana waxay xuseen in aan loo xoojin oo keliya ciidanka  in ay difaacaan taageerayaasha aadka u tirada badan ee isugu imaanaya magaalada Rio, laakiin sidoo kale waxaa jira walaac kale oo ku hareereysan garoonka oo dhinaca amaanka ah iyo sidoo kale culayska ay leeyihiin in ka badan sagaal hogaamiyayaal ka kala yimi dunida, kuwaas oo ay ka mid  yihiin haweeneeyda hogaamisa Jermalka Angela Merkel iyo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

Sidoo kale Barazil waxay sheegtay in 25-maraakiib kuwa dagaalka ah ay gaaf wareegayaan xeebaha  magaalada Rio, kuwaas oo la socda dhaqdhaqaaqa amaanka.

Taageerayaasha tirada badan ee kasoo qul-qulaya dalka Argentin oo kooxdooda ay koobka kula kalaf qaadayaan ciyaartaa, ayaa laga cabsi qabaa in ay xamaasada kumada ee madaxmartay sababto rabshado inta lagu jiro garoonka. Sidaa awgeed saraakiisha amaanka ee Barazil waxay sheegayaan in ciidamada dheeraadka ah ee loo dalbay ciyaartaa u badnaan doonaan halka ay isugu imaanayaan kumaan kun oo ah taageerayaasha Argentina.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *