Muqdisho(ANN) Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga dawladda taagta daran ee ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Xuseen Carab Ciise oo ka hadlay ka qayb-galka Somaliland ee shirka London, isagoo ku tilmaamay inuu aad ugu farxay, isla markaana amaanay waxyaabaha Somaliland
qabsatay 21-ka sanno ee ay jirtay.
Wasiirka gaashaandhiga Soomaliya oo ka mid ah shaqsiyaad fara ku tiris ah oo reer Somaliland ah, balse aaminsan mabda’a Soomali weyn ayaa xusay inuu shakhsiyan meel kasta oo uu joogo ka sheego horumarka Somaliland “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in Somaliland shirkii London timaado, waayo Somaliland waxay samaysay wax Mucjiso u dhow” ayuu yidhi Xuseen Carab Ciise, waxaanu intaa ku daray “Waxay samaysay horumar dhaqaale, nabadgalyo iyo dimuqraadiyadeed, waana wax aan ka jirin meelo badan oo kale, waliba anigu cid kasta oo adduunka ah waan u sheegaa Somaliland waxa ay qabsatay, waxayna horumarka Somaliland gaadhay u dheer inay soo dhaweeyaan walaalahooda Soomaliyeed ee meelaha kale ka yimaada”
Wasiirka gaashaandhiga dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Mr Xuseen Carab Ciise oo shabakada wararka ee Togaherer.com oo wareysatay waydiisay inay London wada hadalo ku yeesheen madaxdii Somaliland uga qayb-gashay shirka London ayaa ku jawaabay “Waxay ahaayeen dad wada-hadalada u furfuran, wax badana ka qayb-galkooda shirka wuu ka bedalay oo miisaan weyn ayay ku soo kordhisay Somaliland shirka” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in loo baahan in gu’itaanka Somaliland uu ka yimaado Soomali “Somaliland gu’ideeda waa inay Soomali ka timaado, aniguna waxaan ahay masuul TFG-da ugu jira Somaliland oo u fadhiya” ayuu yidhi.
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com