Eng faysal Ali WaraabeHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka Xisbiga Kulmiye ee xukuumadda oo

 

uu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn waqtigan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta kusoo laabtay dalka ka dib markii uu soo dhamaystay Socdaal uu ku tagay Wadamada Yurub, wuxuu isagoo warbaahinta la hadlaya sheegay in Somaliland leedahay cadaw badan oo qorshaynaya sidii ay u minjaxaabin lahaayeen, balse waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay in Somaliland isku masquushay, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,
“Waxa maanta Somaliland isu bahaystay Cududo doonaya in ay baabiiyaan qaranimadeeda,Gobolo aynu leenahay ayaa la sheeganayaa waxa inagu socoda Dagaal Weyn,oo gacamo shisheeyana Adeegsanaya waa taa maanta keentay in la yidhaahdo Shiidaalkiinii ma qodon kartaan,taasna waxa keentay inta aynu anigu isku jeedno cadawgeenu wuu inagu soo maqanyahay“ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxa uu sidoo ka hadlay Khilaafka xisbiga  KULMIYE dhexdiisa, isagoo yidhi,  “KULMIYE waxa uu soo arkay waayo arragnimo badan,waa la is qaban karaa, waxaana la isku qabsan karaa Awood,laakiinse waxa ceeb ah dadkan qabiilka u hadlaya iskuma hayaan tallo, laakin waxay isku hayaan Awood dhexdooda ah, waxaan soo jeedinayaa in dadka qabiilka laga daayo reer hebel iyo qarana isma qabto,sidoo kale waxa aad u fool xun Ciidanka RRU-da ee dadka u dhacaya waa wixii aynu ka dagaalanay dawlada Axmed Siilanaya Sharaf daro ayay u keenaysaa, waxa kale oo aan leeyahay qolada SHAANIDA qarxinaysanaa,waxay ceeb ku yihiin Sharafta Somaliland”ayuu yidhi.

Gudoomiyaha UCID, waxa uu sheegay in ay  ku baaqayaan in si dhakhso ah la isugu yimaado Shirkii Talo-Qaran ee ay hore ugu baaqeen, kaas oo xukuumaddu hore u mamnuucday, sidoo kale Faysal waxa uu sheegay in ay muuqato in wax weyni ka khaldan yihiin Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa ay hoos usii socoto. Sidaa darteed ay ceeb tahay in sidii dawladii Milateriga ahayd habeenkii guryaha laysugu daato.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *