Eng Xusen Cabdi DucaleHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa iska fogeeyay eeddo iyo dacaayado uu sheegay in mulkiilaha Wargeyska Haatuf

 

muddo 6 bilood ah Si khaldan wax uga qorayey wasaaradiisa iyo Wasiir ahaan shaqsiyadiisa.
Eng. Ducaale oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu sanad ka hor Yuusuf Cabdi Gaboobe  iyo ninkale ay ula yimaadeen  war qad ay soo dirtay Shirkada Ajaanib ah oo ay ku rabaan  inay dilaal ahaan blocks  shidaal loogu soo dhiibo oo shirkadaasi amartay inay Somaliland uga soo qaadaan.

Haseyeeshee wasiirku wuxuu sheegay in markii  arkay qoraalkaa oo gabadh Xoghayn ah ay soo qortay, balse aan Gudoomiyihii Shirkadda aanu soo qorin. Sidaa awgeed uu u sharaxay dinaamka loo maro heshiisyada noocan oo kale ah, isla markaana uu ku qancay Wasiir ahaan in aanay suurto gal ahayn  maadaama oo aanay  keenin masuuliyiintii shirkadaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in aanay shirkadaasi buuxin shuruudihii loo haahnaa sidaa awgeed ay wasaaradu ka diiday. Laakiin uu Gudooomiyaha Haatuf Yuusuf u balanqaaday inuu dagaal la gelayo.
Wasiirku wuxuu sheegay in markaa  kadib uu Wargeyska Haatuf bilaabay inuu dhaliil raadis badan ka bilaabo Wasaarada Macdanta oo wararka si khaldan u dhigo oo muddo 6 bilood ahna uu waday Arintaasi, balse uu watay shaqadiisa oo aanu isku mashquulin inuu ka jawaabo wararka iyo  dacaayadaha dagaalka ah ee uu Wargeyska Haatuf ku bilaabay.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, wuxuu soo bandhigay qoraalo dukumentiyo la xidhiidha arrimahaa iyo dakhligii soo galay wasaaradda tan iyo 2010 markii ay xukuumadda uu ka midka yahay la wareegatay xukunka.
Eng. Xuseen Ducaale waxa kale oo uu sheegay inay Dacwada Wargeysku taalo Garsoorka.
Halkan Ka Daawo Wasiirka oo ka hadlaya arrimahaa Riix.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *