madaxweyne Siilaanyo oo dhexlugaynaya laasqoray4Laasqoray(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo oo xalay u hoyday qudbiga Sheekh Isaxaaq ee Xiis iyo Maydh ayaa saaka ku waraaberiistay

soo dhowayntii laasqoray ee madaxweyne Silanyomadaxweyne siilaanyo oo dhexlugaynaya laasqoray3

Magaalada xeebta qadiimka ah ee Laasqoray oo dhacda xadka dhinaca badda ee kulaalaya Boosaaso.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay halkaa iyadoo wefdiga Madaxweynuha dadweynaha magaalada Laasqoray oo ruxaya caleemo qoyan kaga hortageen meel ka baxsan magaalada,
soo dhowayntii laasqoray ee madaxweyne siilaanyo2
Madaxweyne Siilaanyo oo markaa  kadib  la hadlay dadweynaha Laasqoray, wuxuu balanqaaday mashaariic dhinaca horumarka ah iyo adeegyada aasaasiga ah in ay xukuumaddiisu ka qabanay deegaanka, isagoo dhagax dhigay Dekedda qadiimka ah ee Laasqoray, Wershed kaluunka ah iyo wadada isku xidha Ceergaabo iyo Laasqoray.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu dhagax dhigay Goobo dhismayaal adeegyada bulshada ah sida Caafimaadka, dib u habayn lagu samaynayo xafiisyada Haya’ddaha dawlada sida saldhiga Booliska iyo goobo kale oo uu sheegay in mudo bil gudeheed ah ay ku dhamaynayaan dhismayaashooda, wuxuuna maanta gelinkii danbe kusoo laabtay dhinaca magalooyinka Xiis iyo Maydh oo Madaxweynaha iyo wefdigiisu u hoydeen xalay, isagoo galabka u gudbay dhinaca magaalada Ceergaabo oo si weyn loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo oo ka bilaabmay galbeedka Somaliland ayaa isaga talaabay xeebaha galbeedka ee Saylac ilaa Laasqoray, kaas oo qaatay dhawr maalmood, wuxuuna ahaa socdaal si weyn bulshada Somaliland usoo dhowaysay oo taariikhi ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *