Hargeysa(Araweelo News Network) Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah Madaxdhaqameedka ugu caansan Somaliland, isla markaana
si weyn looga yaqaano geriyaga Soomaalida iyo meelo kaleba, ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha Dilka Amiirkii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, xaalada siyaasadeed ee waqtigan Somaliland, Kooxda Cali Khaliif Galaydh oo arrintooda uu ka Odayayeeyay, dhawaaqyada tabshooyinka Salaadiinta Awdal iyo doodaha ka dhashay hadal laga soo weriyay Madaxweynaha Somaliland oo la xidhiidha xilka Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw), wuxuu arrimahaa iyo kuwo kaleba kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska maalinlaha ah ee Ogaal oo kasoo baxa Hargeysa.
Waraysigaa oo ahaa Su’aalo iyo Jawaabo, ayaa u dhacay sidan:-
S: Boqor Cismaan Sideed u aragtaa tabashada Saami-qeybsiga ee Salaadiinta reer Awdal u qadimeen Madaxweynaha, guddidana loo saaray?
J: Somaliland beelaha badan ee ku wada nool, beesha ISAAQ iyo beesha reer Awdal ee Samaroon, ayaa ugu baddan wixii manfaca ee dalka dalka soo galay, waayo,si dhamaystiran ayay Somaliland uga mid noqdeen, manfaceedana iyagaa ugu badsaday. Waxaan odhan karaa Saami qaybiga ay reer Awdal ka hadlayaan mid gar uma laha, waxay ka hadlayaan uun mindida daabkeeda aan qabano, waxaan qabaa inay qabteen oo ay madaxweyne yeesheen, oo ay dadka iyagu wax u qeybiyeen oo ay kursiga joogeen. inay Kuraasida hoose ku soo dhacaan iyagaa damacoodii iyo hankoodii siiyay, inay Madaxweynahoodii ridaan, oo ay ku xigeen doontaan, markaa waxay raali ku noqdeen, inay cid ku canaantaan taa gar uma laha. Markaan anigu taageerayay Daahir Rayaale Kaahin, meesha aan taageerada ka waynay ee lanagala dagaalamay waxay ahayd Awdal. Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu ka dhacay Boorame,halkaasaa lagala dagaalamay, Ilaa iyo imikana waxay u tartamayaan madaxweyne ku xigeen, meel tallo Isaaq iyo beel ahaanba aanu ku nidhi madaxweyne ma doonan kartaan ma jirto, iyaga hankoodaa raba, madaxweyne ku xigeenka ayay rabaan ee ha iimsadaan. Ta labaad markii aanu odayaasha (Salaadiinta) is-waraysanay, meesha ugu wayn ee cabashadu ka jirtay, waxay ahayd Wasaarada Maaliyadda oo ay lahaayeen waxa la qoray shaqaale gaadhaya 1500 (Kun Iyo shan boqol), intuba dhinac ayay ka raran yihiin.
S- Markaa ma shaqaalaha wasaaradda maaliyadda wax ha nalaga siiyo, ayaa qorshahooda ugu wayni ahaa?
J- wasaaradda maaliyadda kun iyo shan boqol oo shaqaale la qoray ah, shan baa nalaga siiyay ayay odayaashu markaanu iswaraysanay igu yidhaahdeen. Dee waxaan ku idhi anaguba shantaa ma hayno hadaanu beelahayaga kale nahaye, ninka Wasiirka ka ah Wasaaraduna madaxweyne ayuu doonayaa dabadeedna kalsoonida reerkiisa inuu marka hore bineeyo, dee intaa yar ugu dul-qaadano, waa nin madaxweyne doonayoo beeshii buu ka soo bilaabayaa baan ku idhi. Cabatinkaa anaba waa idinla qabnaa baan ku idhi, laakiin kursiga sare dee idinkaa diiday, inaad idinku wax qaybisaan, oo idinkaa madaxweynii riday ee iimaansada wixii nasiibku idin siiyo. Waxaanan qabaa madaxda sare ee dalkan soo martay, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur),Cigaal iyo Siilaanyo oo ugu danbeeyay, anaga intaa beeshayada ka soo jeeda nin cariish ka samaystay intii uu dawlada joogay ma jiro. Guryaha ugu waawayna waxa ka dhistay Daahir Rayaale Iyo Saylici baa ka dhistay dawladatan. Waxa qudha ee ka maqani waa waxaa ay iyagu diideen, inay dadka wax u qaybiyaan, ee cabatin kale meesha kuma jiro’e, waxaan leeyahay, beeshu way geydaa inay dalka xukunto doorashada gala, annaguna waanu idinku taageeraynaa. Xukuumadana waxaan leeyahay mar haddii hadalba yimi oo odayaashu hadleen, fool-xumooyinku waxay ka dhashaan cid wax tabanaysa oo la dhaahin waayay,waana ta ugu liidata, markaa waa in tabashadaa hoos loo eego. hadal taagtaaganina waxba ma tarayo, qaran cadaawad fara baddan iyo rabshad ayaa inagu furan haddii aynu nahay Somailand ee aynu waxeena hoos u eegano. Odayaashana runtii masuuliyad ayaa iga muuqatay oo cabasho ha keenaane, may ahayn niman ku talax tegaya.
S: Boqor Cismaan, marka la eego saami qaybsiga Awooda talada waddanka miyaanay kula ahayn in dib loogu noqdo?, haday tahay beesha dhexe iyo haday noqoto beelaha darafyadaba?
J: Madaxweyne Kasta oo soo maray Somaliland gobol kasta ha ka yimaadee wuxu sidan ayay u jiitamaysay, meesha ugu daranina waxa weeyaan awoodaha, ayaa waxay siinaysaa awooda in madaxweynuhu leeyahay, isagu siduu doono marka ha u dhigo, taasina waa arrin Dastuur. Anigu mar walba waxaan leeyahay, oo aan anigu qabaa inmar walba beelaha darafyada la raali-geliyo.
S: laakiin, Boqor Cismaan markaad eegto saddexdii waaxood ee ay dawladdu ka koobnaydba, waxay Salaadiinta AWDAL iyo beelaha kale ee darafyaduba ku doodayaan in saddexdiiba beesha dhexe (ISAAQ) gacantoodii ku uruureen oo Xitaa Wasaaradihii waaweynaa ee awooda lagu qaybsan jirayna ay Isaaq gacanta ugu wada-jiraan, markaa miyaanay daw ahayn cabashadu?
J: Anigu Madaxweynahana dhawr jeer baan u soo jeediyay, xukuumadana waan u soo jeediyay, wixii tabasho ah ee wasaaradaha ah dawladda Madaxweyne Siilaanyo ah, kuwii horena sidaas ayay ahayd, tana budushii wadadii horay raacday, markaa tana ha la saxo ayaanu leenahay, laakin markii uu Daahir Rayaale joogayba sidaas uun bay ahayd ee wax dawladan cusubi keentay maaha. laakin anigu waxaan leeyahay taa ha la saxo oo si wanaagsan ha la isugu qeybiyo, oo weliba haday cidi cabanayso beelaha harti iyo abtiyaday ayay xagooda ka jirtaa, oo qoladani marna madaxweyne ku xigeen kamay dhicin, wasaaradaha waawayna mar walba waxooday ka qabanayeen, markaa waxaan soo jeedin lahaa marka hore inaynu labadeenan beelood ee xukunka u badsaday xagan bariga wax isu dhaafino.
S: Boqor Cismaan dhawaan waxa la dilay amiirkii al shabaab, dawlada somalilandna way ka hadashay, hase yeeshee waxaad moodaa maamulka Muqdisho iyo warbaahinta koonfurta soomaaliya inay xoog carabka ugu hayaan Somaliland, oo ay leeyihiin si fiican ugamay hadlin, iyagoo ujeeda in marxuumku ka soo jeedo halkan, maxaad ka odhanaysaa taa?
J: horta, Walaalaheena Koonfureed waa dad aanay aqoontoodu siinin inay xisaabtamaan, oo ay ku darsadaan xisaab waxay ka hadlayaan ama gar iyo cadaalad wax u eegaan. Axmed Godane waa nin ISAAQA, nin aan odaygiisii ahay weeye oo ma diidani oo nin Isaaq weeye, laakiin camalka iyo hawshaa uu waday kumaanu raacsanayn, kala mabda’ baanu ahayn, raalina kamaan ahayn dagaalka uu waday. Laakiin waxa weeye, aamuska aanu ka aamusnay anagu intay ka hadlayaan, anaga (Somaliland) dhaqan ahaan qabyaalada dawlada Koonfureed ka shaqaynayso ama walaalaheena Koonfureed ka shaqaynayaan, ayaan noo ogolaanayn in aanu amaano oo soo dhawayno geerida Axmed Godane, sababtoo ah Shariif Axmed Iyo Axmed Cabdi Godane wax ayay wada aaminsanaayeen. Koonfuri waxay ogolaatay inay Sheekh Axmed u doorato Madaxweyne halkii uu denbiile ka ahaa oo uu hogaaminayay dagaalkii Maxkamadaha Islaamiga, Sheekh Axmed Madoobe oo Jubbaland hadda haystaana, waa ninkii ay isku fikirka ahaayeen Axmed Cabdi Godane, ee ay Diinsoor ka wada dagaalamayeen, ee maxbuuska dagaal loo qabtay, intay Beeshiisii argagixisadii ka saartay, inay durbaanka u tunto oo ay madaxweyne ka dhigto, Xasan Daahir Aweys oo waxan oo dhan abuuray oo xitaa loo diiday in la xidho oo ay ka dagaalameen, oo uu ku casuuman yahay Madaxtooyada Soomaaliya, inaanu markaa dilkii Axmed Cabdi Godane soo dhawayno dhaqan ahaan ayaan noo saamaxayn. Laakiin Fikirka uu waday Axmed Cabdi Godane maaha fikir aanu aaminsanayn, laakin waxaanu cambaareynaynaa marka ay beelaha kale kuwooda cambaareeyaan, markay kuwooda madaxweynayaal iyo lama taabtaan ka dhigaan, anagu kaayaga maxaanu u sheeganaynaa, waa nin dhintaye Alle ha u naxariisto, waanu tacsiyaynaynaa.
S: Boqor Cismaan waad og tahay hawlgalada uu Cali Khaliif Galaydh ka waddo Bariga, adiguna mar ayaad is-aragteen, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu Cali Khaliif ka debecsan yahay sidii hore, markaa ma isleedahay waa dhab oo waa la dhamayn karaa arrintaa?
J: Walaahi Cali Khaliif waa abtigay, oo ixtiraam badan ayaan u hayaa. haddii uu Cali Khaliif wax qabanayo waxa uu gaadhay Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliyeed, inuu hoos ugu soo dhacayo ardaa hoose marnaba hamiga kumaan hayn, horena waan u sheegay oo isaga waan kala taliyay wax baddan, imikana wax Dhul-bahante ku mideysan yahay hadduu Cali wado ama Hoggaaminayo, runtii waan odhan lahaa Cali uun talada iyo wadahadalku ha ku koobnaado, laakiin imika, arrinkan uu Cali wataa arrin lagu midaysan yahay maaha, waa arrin inta badan Dhulbahante ka soo horjeedo.
“Cali fikirkiisu wuxuu taagnaa marka aanu wax dhisanoo ayaanu wadahadalka furaynaa oo aanu ogolaynaynaa wadahadalka, waxaanna dhib ahayd in wax la dhiso, oo imikaba ma joogo meeshii uu wax kaga dhawaaqay, wax Dhul-bahante ku mideysan yahayna maaha. Markaa ma arko wadahal Cali awood u leeyahay oo uu maanta gali karaa inuu muuqdo iyo awood uu Dhul-bahante ka haysto uu wadahadal ku geli karaa midna, meel uu xukumo oo uu gorgortan ku geli karaana maanta iima muuqato.
S;Maamulka Xasan Sheekh Ee Muqdisho wuxuu wadaa hawlgalo siyaasadeed oo lagu go’doominayo Somaliland, adiguna waxaad ka mid tahay madax-dhaqameedka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda, marka maxaad kala socotaa arrintaas?
J-Arrinka Soomaaliya waddo iyo sida ay u dhaqmaysaa labaduba waa riyo, laakiin waxay ka faa’idaysanayaan habacsanaanta xukuumada,mucaaridka iyo shacabka ee aynu ka jeedno waxaa halka inagaga socda. Si aan laynoogu dhiiran jirin ayuu Xasan Sheekh inoogu dhiiraday, waayo albaabo badan ayaynu u furnay, debecsanaan badan baynu u muujinay, taasina waxay inoo dhashay, inuu Xasan Sheekh meel walba waraaqo u qoro sida Carabta iyo meelo kaleba, oo uu yidhaahdo Somaliland cidi lama xidhiidhi karto. Muu ixtiraamin hiilkii inaga dhexeeyay beesha uu ka soo jeedo, sidaa darteed waxaan leeyahay hawiyoow Xasan Sheekh dariiq khaldan buu idinku wadaaye, haddii aad raali kaga tihiin gardaradana khamaarka si kale ayaynu ciyaari doonaa, haddii kalena ficilkiina aanu ka arki. Ina Cigaal siyaasadda koonfurta (Soomaaliya) wuu mashquulin jiray. Markaa waxaan soo jeedin lahaa in la joojiyo yooyootanka gudaha, oo dawlad iyo mucaarid-ba waxaynu hayno aynu isugu geyno, si aynu u ridno Xasan Sheekh. Anigu meelo badan baan ka sheegaa, oo aan idhaahdaa Faysal Cali Waraabe waa nin waddaniya oo had iyo goor arrimahaa ka hadla. Xukuumadana waxaan leeyahay, waxaa isku mashquuliseen jidad iyo guryo la rinjiyaynayo, marka waxaan odhan lahaa waxaas oo dhan maanta waxaa ka mudan, in loo wada jeesto sidii la isaga moosi lahaa dibindaabyooyinka siyaasadeed ee dibada inagaga socda.
S-Boqor Cismaan waxaa jiray hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha oo muran dhaliyay, kaasoo ah “Wasiirka wasiiradda”, isla markaanna waxaa eraygaa loo qaatay inuu wasiirka Madaxtooyadu yahay ra’iisalwasaare, kaasoon aan waafaqsanayn sharcigga, arrinkaasoo mucaaridkuna ka hadleen maxaad ka odhan lahayd?
J-Anigu arrinkaa dhib uma arko. wax laga qayliyo oo lagu murmana uma arko. Ra’iisul wasaare ayaa laga hadlayaaye, Xirsinna waxaan u arkaa nin karti badan oo wax qabad badan, dantiisiina kaga mashquulay danta qaranka, marka in la xagxagto uma baahna ee in la taageero weeye. Xisbiga KULMIYE berigii uu fadhi baradka ahaa wuu dhac dhac badnaa, oo “Dhenged baanu kaga soo saaraynaa madaxtooyada” iyo wax la mid ah ayay ku odhan jireen Madaxweyne la doortay. Sidaa awadeed, Axmed Muumin Seed waxaan leeyahay, sidii xisbiyadda fadhi baradka ahi hadli jireen, waad u hadashay.
Source: Wargeyska Ogaal