Muqdisho(Araweelo News Network)Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Ragge (Cali Dheere) ayaa beeniyay in uu ku dhintay weerar ciidamada Kenya ka fuliyeen deegaamo ay Malayshiyada Al-shabaab

maamusho oo ka tirsan koonfurta Somalia.
Sheekh Cali Dheere ka hadlay Idaacad taageerta Al-shabaab ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in uu dhintay oo lagu dilay weerar dhinaca cirka ah, wuxuuna yidhi, “Anigu waan Noolahay, wax igu dhacayna ma jiraan”, wuxuuna wararkaa ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin.
Hadalka Sheekh Cali Dheere ayaa ka danbeeyay kadib markii horaantii bishan Maj. Emmanuel Chirchir oo u hadlay ciidamada Kenya uu boggiisa Twitterka ku shaaciyay qoraal uu ku sheegayo in Afhayeenkii Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ku geeriyooday, ama ku dhaawacmay duqayn diyaaradaha ciidamada Kenya ka fuliyeen deegaanka Geddo ee Koonfurta Somalia, taas oo uu beeniyay Afhayeenka Al-shabaab.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *