Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Mon, Oct 13th, 2014

Guddooomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Oo Qiray Shir Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Ku Dhexmaray Madaxweynaha

Smiley face
Share This
Tags

MBiixi

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Talada haya Muuse Biixi Cabdi, ayaa qiray jiritaanka Shir Madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah ku dhexmaray

Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu goob joog ka ahaa, kaas oo warar Sabtidii Todobaadkan ay qoreen Wargeyska Kasoo baxa Hargeysa qaarkood oo sheegayay in Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay murrashaxnimada doorashada Madaxtooyadda ee soo socota oo aan weli waqtigeeda la cayimin, balse la filayo in ay dalka ka dhacdp 2015.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu isagu goob-joog ka ahaa shirka la sheegay in  Madaxweynuhu ka shaaciyey inuu ka tanaasulay tartanka doorashada, balse waxa uu sheegay in aan marnaba Afka madaxweynaha laga hayn arrintaasi.

“Shir aan joogay oo aan ogahay oo Madaxweynuhu yidhi arrintaas waan ka tanaasulay ama go’aankaas uu ka sheegay habayaraate ma jiro, warkaasi mid jira maaha, meel aan joogay oo arrintaas lagu soo qaadayna ma jirto, sideedana arrintaasi mid jirta maaha,” ayuu yidhi Biixi.

Guddoomiyaha Kulmiye, ma sheegin waxyaabaha lagaga hadlay shirkaa oo maalmihii u danbeeyay aad loo hadal hayay, balse  waxa kale oo uu ka hadlay qabsoomidda doorashooyinka iyo arrimaha ku gaddaaman isagoo xusay in go’aan ka gaadhistooda ay leeyihiin Guddiga Doorashooyinku, waxaannu yidhi, “Horta doorashada waqtigeeda iyo goorta la qabanayo cidbuu sharcigu siiyay, ciddaas uunba ka hadli karta, waana Komiishanka doorashooyinka, iyagaa sharcigu siisay inay cayimaan maalinta doorashada la qabanaayo hadday soo hormarayso iyo hadday dib-u-dhacayso iyagaa awooddaa leh. Annagu farogalinmayno, laakiin xisbiga KULMIYE iyo xukuummadiisu waxaannu caddaynaynaa wixii hawlo ahaa ee ku xidhnaa in aannu dhammaynay, hadday sharcigii tahay waannu dhammaynay, Komishankii waa la magacaabay, dhaqaalihii waa la sameeyay, markaa xagga doorashada annaga wax nagaga laabani ma jiro.”

Hase yeeshee mar uu ka jawaabayay Su’aal la xidhiidhay arragtidiisa xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka, wuxuu yidhi,  “Xubnaha Guddida Doorashooyinka sharciga ayaa qaybiyey sida loo soo magacaabo, saddex madaxweynaha ayaa soo magacaaba oo waa inta u badan, laba waxa soo magacaaba Golaha Guurtida, labana waxa keena xisbiyada mucaaradka ah, waana siday ahaan jirtay, dad muddakar ah oo rag iyo dumar leh oo badankooda la wadagaranayo oo masuuliyiin hawshaasna qaban kara weeyaan, waanan ku kalsoonahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

About the Author

- News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, Araweelonews web site created by the sinner Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jaama 2010. Araweelonews is independent nonprofit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and Educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor in Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Somaliland Office E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>