Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo Sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2232/012014, kaas oo uu

 

ku dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maanta qasriga Madaxtooyada oo u qornaa sidan:-
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, Markuu Arkay:  Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, Markuu Arkay:   In deegaanka ku xeeran dadka naafada ah u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gudan karaan si madax bannaan, Markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan xarumaha  Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada,Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo  iyo dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahay.
Markuu Arkay:     Xilka Xukuumadda ka saaran sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha, isla markaana loo fududayn lahaa, wuxuu soo saaray:
Qodobka (1)
Dhismaha Xarumaha Hay’adaha Dawladdu leedahay ama gaarka loo leeyahay
1.     In dhammaan xarumaha loo dhiso ama loo dhisayo Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dadweynaha noocay doonaanba ha noqdaane, Goobaha dadweynuhu ku kulmo ee cibaado, dhaqan, bulsho, ama madadaalo; laga bilaabo marka xeerkani dhaqan galo loo dhiso hab ama hannaan u fududayn kara in dadka naafada ahi joog ahaan iyo sal ahaanba u geli karaan ama u gaadhi karaan.

2.     In dhammaan xarumaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ee bixiya adeegga iyo goobaha laysugu yimaado ay ugu talo-galaan meelo la dhigo gaadiidka curyaaminta (Parking)
Qodonka (2) Fulinta xeerka
Fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka.
Qodobka (3)Dhaqangalka xeerka iyo Dabaqaadiisa
Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan ee madaxweynuhu saxeexay.”ayaa lagu yidhi qoraalka.                                          

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *