homeless london birminghamHargeysa(Arraweelo News Network) Taciyadda kufsiga iyo gabood-falada laga galo haweenka ayaa kor u kacay sanadkan, taas oo muujisay xaalad wer-wer leh.

Sidaana waxa lagu shaaciyay warbixin lagu soo bandhigay heerka Kufsiga ee Somaliland oo lagu beegay shaacinteeda munaasibadda xuska maalinta loo asteeyay  Xadgudubyada Haweenka loogeysto  oo 25-kii November 2013,  lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Munaasibadaa lagu shaaciyay warbixintaa oo ay si wada-jir ah usoo qaban-qaabiyeen wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashanaysa dhawr Hay’adood Caalami iyo kuwo Maxali ah.

Ololaha la doonayo in arrimahaa wax lagaga qabto ayaa socon doona illaa 10-ka bisha December ee dhammaadka sanadkan 2013-kii, waxaanu ka soconayaa dhammaan Goboladda dalka oo dhan, sida ay xafladaasi kaga dhawaaqeen Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda UNFPA oo Ololahan gacan ka geysanaysa
25-ka Bisha November, ayaa ah maalinta u astaysan xuska tacadiyada Haweenka lagula kaco ee qaramada midoobay u asteeyeen,  iyadoo Somaliland ka mid tahay dalalka saxeexay Heshiiska lagu galay maalintaasi, taasaana ah sababta ay Caalamka ula wadaagtay, xili ay soo batay Kufsiga Haweenku sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay sanadkan.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada somaliland Maxamuud Axmed Garaad, ayaa furay Ololaha Maalinta dhawrista xuquuqda Haweenka “Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa dhamaan ilaalinta Xuquuqda Mawaadiniinta dalka u dhashay, sidaasi darteed wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadu waxay bilaabaysaa 16 Maalmood la sameynayo Olole ka dhan Tacadiyada Haweenka lagula kaco”ayuu yidhi Wasiir Garaad.

“Tacadiyada Haweenka lagula kaco tusaale ahaan waxa Hargeysa ka dhacay 221 Kiis oo Kufsi ah sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2013-ka laga soo bilaabo bishii Janaury illaa September, sida ay tilmaamayso xogta Baahi koobka Cisbitaalka Hargeysa, iyadoo ay tiradaasi tahay inta la soo xidhay oo kaliya, balse aanu rumaysanahay inay tiradu intaasi ka badan tahay, goboladda dalkeena oo dhanna arrintani waa mid ka jirta.

Xad-gudubyada lagula kaco haweenku waa mid ka hor imanaya qawaaniinta Somaliland iyo Shuruucda Caalamiga ah, Somaliland waxay ka mid tahay waddamada aqoonsan Maalinta joojinta xad-gudubyadaasi”ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiir Garaad. Wasiirka ayaa sidoo kale baaq uga diray munaasibadaasi shacbi weynaha Somaliland “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo ka wakiil ah Madaxweynaha Somaliland, kana duulayna xilka aanu qaranka u hayno, waxaan bulshada Reer Somaliland ugu baaqaynaa in laga wada qayb-qaato Ololaha lagu joojinayo Tacadiyada haweenka lagula kaco”ayuu yidhi.
Wasiir Garaad ayaa sidoo kale sheegay in Kufsigu dalka ku soo kordhay xiligii Dawladdii Siyaad Barre illaa dagaaladii sokeeye “Kufsigu berigii hore dalkeena kama dhici jirin, balse wuxuu ku soo kordhay wakhtigii Dawladdii Milateriga ahayd dalka ka talinaysay illaa wakhtigii Dagaaladii Sokeeye”.
Mawliid Cismaan oo ka socday Hay’adda UNFPA ayaa sheegay in sanad kasta Saddexdii Dumar ah ee Dunida guudkeeda ku nool mid ka mid ah lagula kaco tacadi, haddii ay tahay Kufsi, Jidh dil, iyo Maskax ahaan, waxaanu yidhi “Xad gudubyada ka dhanka ah Haweenku waa meel ka dhac . Saddexdii Dumar ah ee Dunida ku nool mid ka mid ah ayaa mar uun lagula kacaa xad-gudub , jidheed, maskaxeed ama wax kale oo tacadi ku ah”ayuu yidhi Sarkaalka u hadlay UNPA.”
Waxaanu intaasi ku daray “Lix Milyan oo Dumar ah ayaa ku nool dalalka ay wali ka dhacaan Xad-gudubyada lagula kaco Haweenku. In ka badan Milyan Haween ah oo dunida ku nool, ayaa la dhibaateysan xad gudubyada ay ka mid yihiin Gudniinka Fircooniga ah iyo Guurka Khasabka ahi, taasna haddii laga hawl-galo waxaan filaynaa in wax laga qaban karo. Qarrammadda Midoobay waxay saxeexday baaq ka dhan ah dhibaatooyinka Haweenka loo geysto, dalalka baaqaas saxeexayna Somaliland ayaa ka mid ah. Sidaasi darteed UNFPA, waxa naga go’an inaanu Somaliland kala sii shaqayno joojinta dhibaateynta Haweenka”.

Kufsiga ayaa ku inta badan lagula kaco dadka Jilicsan ee Haweenka ah, waana mid ku soo badanaya Somaliland, sida ay sheegtay Luul oo ka mid ah Sarkaalka hogaaminaya Ololaha 16 Maalmood soconaya ee lagu joojinayo Tacadiyada “Tacadiga waxa lagula kacaa dadka jilicsan, gaar ahaan Haweenka, Gabdhaha, Kufsiguna waa mid ku soo badanaya dalkeena, sidaasi darteed waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo”ayay tidhi.

Wasiirka Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo ka hadlay mawduuca ku saabsan Kufsiga iyo Tacadiyada kale ee Haweenka lagula kaco, ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi, waxaanu ku taliyay in qofkii lagu qabto dhagax lagu dilo iyo inaan Haweenka la qabo ragoodu dilin.

“Kufsiga iyo dhibaatooyinka kale dumarka lagula kacaa waa arrin ka soo horjeeda dhaqankeena iyo diinteena Suuban, markaa waxa loo baahan yahay inaan dumarka la dilin, Ninkii lagu qabto Kufsina aan Maxkamad lala sugin ee halkiisa lagu dilo”ayuu yidhi.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in Tacadiga Haweenku Diiniyan Xaaraan yahay, isla markaana Diinta Islaamku xuquuq dhamaystiran Haweenka siisay, taas oo banaynaysa inay shaqaystaan, Hanti yeeshaan, isla markaana ixtiraam mudanyihiin.

“Nabi Maxamed NNKH, wuxuu Asxaabta u sheegay in Ninka ugu wanaagsani yahay ka Gabadhiisa u wanaagsan”ayuu yidhi Sheekh Khaliil.
“Ilaahay Qur’aankiisa wuxuu ku sheegay in raga Dumarkooda dilaa NAARTA gelayaan, sidaa darteed waxa loo baahanyahay in la joojiyo dhibaatooyinka Guriga iyo dibadaba loogu geysto Haweenka”ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed.
arraweelo.com@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *