Hargeysa(ANN)Koox khuburo caalami ah oo hawshoodu tahay xaqiijinta iyo  baadhista xasuuqyada ka dhaca dinida ee gabood-falka  xuquuqda aadamaha iyo dambiyada dagaallada, ayaa booqasho ku yimi caasimada Somaliland  ee Hargeysa shalay, kuwaas oo ka socda urur caalami ah oo

 

baadhaya tirada rasmiga ah ee dadkii reer Somaliland ee ay xasuuqeen ciidammadii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre sannadihii siddeetamaadkii oo ku jira xabaalo-wadareedyo fara badan oo ku kala yaal magaalooyin ka tirsan Somaliland.

kooxdaa oo ah Khubaro ajnebi ah, isla markaana ka socda urur magaciisa loo soo gaabiyo  EPAF oo ka shaqeeya xasuuqyada iyo baadhista dambiyada dagaallada, ayaa hawshooda ka bilaabay caasimadda Hargeysa, kuwaas  oo uu horkacayo khabiir ku takhasusay arrimaha xasuuuqa  oo magaciisu yahay Mr. Jose Bablo Baraybal, ayaa   la sheegay inuu ka mid yahay shan qof ee dunida oo dhan ka fuliya hawlaha tirakoobka xasuuqyada xabaalo-wadareedyada. kooxdaa  oo ay  hoggaamiyaan qaar ka mid ah dhibbanayaasha eheladooda lagu laayey xasuuqaa  ee dacwadda ku oogay gacan-ku-dhiigle Maxamed Cali Samatar oo dhowaan maxkamad ku taal  dalka Maraykanku ku riday xukun,  waxay si rasmi ah baadhitaan  la xidhiidha xasuuqa si rasmi ah uga bilaabeen shalay goobta dadka lagu toogan jiray ee loo yaqaan Badhka oo ku taal koonfurta Hargeysa.
Muuqaalka Saacadihii, tusbaxyadi,suumankii iyo qalab kale oo ay xidhnaayeen dadka laga helay qaar ka mid ah xabaal-wadareedyda   Hargeysa  1988.)
Hawlgalkan oo lagu qodayo dhawr boqol oo xabaalo-wadareedyo ku kala yaal magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gabilay iyo Arabsiyo, waxay kooxda khuburada ee ka socota ururkaasi  xukuumadda Somaliland kula  heshiiyeen inay hawshaasi socoto muddo shan sannadood  ah, iyadoo shalay  oo taariikhdu tahay 26 Sep 2012,  si rasmi ah loo bilaabay in dib loo qodo  xabaal-wadareedka u horreysa  oo ku taal magaalada  Hargeysa.
Dhinaca kale hawlgalka kooxda caalamiga ahi ku yimaadeen Somaliland, ayaa ka dhashay dhawaaqyo socday tan iyo sideetanaadkii markii ay dhacayeen xasuuqyadaasi oo sababay in ugu danbayntii xabaalo wadareedyo si weyn usoo jiitay indhaha caalamka oo argagax ku abuuray bulshada uu daad ka dhashay roobab ka da’ay magaalada Hargeysa dhawr iyo sagaashankii debeda soo dhigay xabaalaha malka dur-duro kulamanaan qof oo lafohoodu isku xidhan yihiin, isla markaana qaarkood lafahaa ku xidhnaayeen saacadihii ay xidhnaayeen oo si cad u kashifay xiliga dadkaa lagu xasuuqay afaafka hore ee dhismaha xerada saldhiga u ahayd qaybtii 26aad ee ciidamadii taliskii Siyaad Bare, taas oo sababtay in horaantii bishii May ee sanadkii 2003, ay Somaliland yimaadaan khuburo ka socda Hay’ad caalami ah oo saldhigeedu yahay dalka Maraykanka oo ka hawlgashay sidii dhagar qabayaasha geystay xasuuqaa loo geeyo maxkamad, kuwaas oo xiliggaa ka  bilaabay dalka Maraykanka dacwad lagu oogay Gen. Maxamed Cali Samatar oo noqday ninka ugu derejo sareeya saraakiishii iyo madaxdii dawladii Milateriga ahayd, isla markaana qirtay inuu bixiyay amarka duqaynta diyaaradaha shacabka lagu weerarayay, iyadoo geba-gebadii lagu xukumay magdhaw malaayiin dolar ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *